Shaki Laga Qabo Dad Calanka Somalia Sita Oo Somaliland Soo Galay + Xukuumada Oo Ka Hadashay

0

()-Guddida qaban-qaabada munaasibadda qaran ee 18-ka
May, ayaa caawa baaq u diray guud ahaan bulshada reer Somaliland, waxana ay
ugu baaqeen inay si hagar la’aan ah uga qayb qaataan isu soo baxyada maalinta
berri ah loo ballansan yahay.
Guddida oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha guddidaas, ahna wasiirka
wasaaradda arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed
Kaahin Axmed oo ay hareero joogaan xubnaha kale ee guddida oo caawa shir
jaraa’id ku qabtay xarunta qasriga madaxtooyada Somaliland, ayaa shacabka ugu
baaqay inay isku duubni iyo feejignaan ku xusaan maalinta qaran ee 18ka May oo
maalinta berri ah ku beegan.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, ahna guddoomiyaha guddida guddidan,
ayaa shacabka ugu baaqay inay cudud iyo farxad ku muujiyaan isu soo baxooda,
kana dheeraadaan wax kasta oo ammaanka qaranka iyo nabadgelyadaba
waxyeello ku keeni kara.
Wasiir Maxamed Kaahin Axmed waxa bulshada ku adkeeyey inay tixgelin gaar ah
siiyaan nabadgelyada, ciidamada ammaankana si dhaw ula shaqeeyaan, waxana
isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Berri waa 18ka May, Dhammaan dalka
waa laga dabbaal-degayaa, shicibkana waxan leeyahay si fiican u dabbaaldega, isu
soo bax wanaagsanna sameeya, nabadgelyada ilaaliya, ciidamada amniga nooc
kasta oo ay yihiinna la shaqeeya, dadka nabadgelyo-darrada wada ee ka xun
Jamhuuriyadda Somaliland nabadgelyadeeda iyo taabbo-galkeena halla iska jiro.”
Wasiirku waxa uu sidoo kale shacabka ugu baaqay inay il gaar ah ku eegaan wax
kasta oo halis gelin kara nabadda iyo amniga, wada-shaqaynna la sameeyaan
ciidamada kala duwan ee qaranka oo maalintaas heegan culus geli doona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here