Saynisyahankii Pakistan U Sameeyey Nukliyeerka Iyo Sababtii Uu Maraykanku Isaga Indho-Tiray Dhaqdhaqaaqyadiisa Iyo Damaca Pakistan

0

Cabdiqadiir Khaan Waxa uu ku dhashay dalka Hindiya sannadkii 1936 xilligaas oo uu Ingiriisku gumaysanayey dalkaas. Balse Isaga iyo qoyskooda ayaa u guuray Pakistan markii ay ka go’day Hindiya sannadkii 1948.

Shahaadada Heerka Saddexaad (PHD) gaar ahaan qaybta Injineerinka ayuu ka qaatay Jaamacad ku taalla Belgium sannadkii 1972, intaa kaddib waxa uu ka shaqo galay Warshad loogu talo galay bacriminta Yuuraaniyoomka oo ku taalla dalka Holand, halkaas oo lagu samayn jiray farsamooyinka casriyeysan ee nukliyeerka loo isticmaalo dhinaca horumarka ama rayidka.
Sannadkii 1974 ayaa Cabdiqadiir Khaan waxa saaqay dareen waddaniyadeed kaddib markii ay Hindiya tijaabisay nukliyeerkii ugu horreeyey ee ay samaysato.

Markaas ayuu u guntaday in uu helo qorshe ay Pakistan ku hanan karto awood la mid ah ta ay samaystay Hindiya oo ay aad isu hayeen. Dhawr Jeer ayey Masuuliyiinta Pakistan dhagaha ka furaysteen farriimo uga yimid Cabdiqadiir Khaan, laakiin bishii August Sannadkii 1974 ayuu ra’iisal wasaarihii Pakistan ee xilligaasi Zulfikar Ali Bhutto waxa uu ahmiyad siiyey farriin uga timid Khaan waxaanu amray safaaradda Pakistan ee Holand in ay isaga la xidhiidho.

Dayrtii sannadkii 1974 Khaan waxa uu nuqulo qarsoodi ah kala hadhi jiray hannaanka farsamaynta qalabka samaynta nukliyeerka,

isaga oo isla markaasna ururin jiray liiska shirkadaha dalkiisa ka caawin kara tiknoolojiyadda loo baahan yahay si loo soo saaro Yuuraaniyoom laga dhalin karo nukliyeer. Inkasta oo ay suurto gal ahayd in Mr. Khaan bari hore la xidho haddana badhtamaha sannadkii 1975 ayuu sirdoonka booliska Holand waxa uu ogaaday in ay jiraan kulano dhexmara Khaan iyo diblomaasi Pakistani ah oo looga shakisanaa in uu raadinayo tiknoolojiyadda nukliyeerka.

Booliska Holand ayaa ku dooday in ay hayaan caddaymo ay ku soo xidhi karaan Khaan, balse kaddib wada tashiyo ay la yeesheen masuuliyiinta xukuumaddooda iyo wakaaladda sirdoonka Maraykanka waxaa go’aan lagu gaadhay in aan la xidhin Khaan balse dusha uun laga socdo si loo ogaado shabakadaha tahriibiya hubka nukliyeerka.

Khaan waxa uu ku guulaystay in uu xado dhammaan hannaanada fasamaynta nukliyeerka (Centrifuges) waliba iyada oo ay indhaha ku hayaan hay’adaha sirdoonada caalamka iyo sirdoonka Holand. Sannadkii 1975 ayey Khaan iyo qoyskiisu ku guulaysteen in ay ka baxaan Holand iyaga oo ka dagay dalkooda Pakistan. Waxaa jira laba hanaan oo loo sameeyo nukliyeerka oo kala ah: 1-Processing of plutonium 2-Centrifuges. Khubarada Pakistan waxa ay xilligaas ay Isticmaalayeen hannaanka kowaad balse Khaan ayaa markii uu yimid ku qanciyey in ay u guuraan hannaanka labaad oo ah kii uu ka soo xaday Holand.

Dabayaaqadii toddobaadtameeyadii Maraykanka iyo dawlado kaleba si cad ayey u ogaayeen dedaallada ay Pakistaan ku doonayso inay ku samaysato nukliyeer. Haddaba sanandkii 1979 ayuu madaxweynihii Maraykanka ee xilligaas cunaqabatayn dhaqaale ku soo rogay Pakistan si ay ugu laabto barnaamijkeeda nukliyeerka. Laakiin wax walba waxa ay isbaddaleen markii uu midawgii Soviet ku soo duullay Afghanistan sannadkii 1979, xilligaas oo uu Maraykanku go’aansaday in uu hub iyo dhaqaale siiyo maleeshiyaatkii Afghanistan taas oo ahayd fursad uu ku daciifinayey Soviet-ka. Haddaba si uu Maraykanku hawshaa u fuliyo waxa uu u baahday meel Afghansitan u dhaw oo uu ka samaysto xarun uu ka hawl galo.

Pakistan waxay noqotay dalka qudhaata ee xaruntaas laga dhigi karo. Sidaa darteed Maraykanku waxa uu ku qasbanaaday 1- in uu Iska indho tiro nukliyeerka Pakistan 2-In uu cunaqabataynta ka qaado Pakistan 3- iyo in uu 400 oo Milyan oo Doollar oo iskugu jira taageero dhaqaale iyo mid milatari uu ugu deeqo xukuumadda Islam Abad. Go’aankaas ayaa Pakistan u gogol xaadhay in ay tijaabiso nukliyeerkeedii ugu horreeyey sannadkii 1999. Cabdiqadiir Khaan oo waraysi TV siinayey sannadkii 2009 ayaa shaaca ka qaaday in dagaalkii Midawga Soviet iyo Afghanistan uu dalkiisa u fududeeyey in uu yeesho awooodda nukliyeerka.

Sannadkii 2004 ayuu saynisyahanka reer Pakistan ee Cabdiqadiir Khaan oo waraysi toos ah ku jiray waxa uu qirtay in uu tiknoolojiyadda nukliyeerka uu Si sharci darro ah uga iibiyey waddamada Iiraan, Liibiya iyo Kuuriyada Waqooyi.

Khadar Dhaaciye

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here