Sawiradda Madaxweynaha Cusub ee Maraykanka iyo Ku Xigeenkiisa oo La Sudhay Xaafado India Ku Yaala

0

Xaafado ku yaala dalka India ayaa lagu xardhay sawirada Madaxweynaha Dalka Maraykanka iyo Ku Xigeenkiisa cusub ee dhawaan la doortay, xilkaasna manta si rasmi ah ula wareegaya.

Kamala Harris oo asal ahaan ka soo jeeda dalka India waxa ay noqonaysaa Gabadhii ugu horeysay, Madaw ah ahna gabadhii ugu horeysay eek a soo jeeda koonfurta aasia ee Madaxweyne Ku Xigeen ka noqota dalkaasi.

Xaafadda Thulasendrapuram, uu awoowgeed asal ahaan ka soo Jeedo oo ku taala degmadda  Tiruvarur ayay dadku Muujiyeen farxad, waxaanay isugu soo baxeen jidadka iyaga oo sheegay in ay la dhacsan yihiin in ay gabadhaasi noqoto madaxweyne ku xigeenka dalka Maraykanka.

Haddii ay afarta sano ee ay xilka hayso ay taageerto Dalka India, waxa ay sii ahaan doontaa Madaxweyne Ku Xigeen” sidaas waxa yidhi mid ka mid ah dadkii isu soo baxa halkaasi ka dhigayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here