Sawir Ku Duxay Quluubta Malaayiin Qof Oo Isbedel Degdeg ah Horseeday

0

Sawirka ilma yar oo shan sano jir ah kuna nool Magaalada Hyderabad ee dalka Hindiya ayaa taabtay quluubta malaayin qof oo ku nool dalka Hindiya, kadib markii sawirka ay ka soo muuqatay gabar yar oo wadata Madiibad, si qooraansi ahna u fiirineysa arday waxbaraneysa.

Sawirkan ayaa qabsaday baraha bulshada ee dalka Hindiya, waxaana qof walba uu u fasirtay in gabadhaas, iska daa in ay waxbarasho hesho, ay la’dahay wax ay cunto.

Arrintan ayaa waxaa aad uga damqaday dad badan oo sheegay in ay ka seexan waayeen sawirka gabadha yar, waxaana qoyska ay ka dhalatay gabadah iyo xaaladda ay ku sugan yihiin ka war doonay weriyaha BBC-da ee laanta Telugu, Deepthi Bathini.

Sawirkan ayaa inta aanan la soo dhigin baraha bulshada waxaa daabacay wargeyska Telugu newspaper, waxaana uu ciwaan uga dhigay “baahida dareenka leh”.

Dad badan oo ay ka mid yihiin kooxaha u ololeeya xuquuqda caruurta ayaa markii ay warbixintan ku arkeen wargeyska ka damqaday, waxaana qaar badan oo ka mid ah ay soo dhigeen akoonada ay ku leeyihiin baraha bulshada, taas oo keentay in la is weydiiyo xaaladda ay ku sugan tahay gabadhaas yar.

Kooxaha u ololeeya xuquuqda caruurta ayaa ku andacooday in gabdhaas yar loo diiday in ay hesho waxbarasho iyo raashin bilaash ah.

Aabaha dhalay gabadhan oo lagu magacaabo Lakshman, ayaa markii uu arkay sawirka gabadhiisa oo aad loo hadal hayo waxaa uu sheegay in taas ay cadaalad darro ku tahay isaga iyo xaaskiisa Yashoda.

Wuxuu sheegay in labadooduba ay shaqeyaan, wax kalena aysan qabanin balse ay ka fikiraan mustaqbalka gabadhooda.

Aabaha dhalay gabadha ayaa u muuqday qof dhibsaday sawirka laga faafiyay gabadhiisa.

“Aad ayaa uga xumaaday markii aan arkay sawirka, oo waxaan marwalba u shaqeeyo waa iyada, sawirka in laga dhigo in gabadheyda ay baahan tahay oo kale waa khalad”, ayuu yiri aabaheed oo la hadlayay BBC-da.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here