Sarkaal Halbowle U Ahaa Kooxda Caare Oo Ku Soo Noqonaya Ciidanka Qaranka Iyo Qaban-Qaabada Soo Dhawayntiisa Oo Ka Socota Ceerigaabo

0
317

Taliyahii dhawaan kagoostay ciidamada qaranka gaashaanle dhexe Gamaal Ducaale Maxamed oo ay waheliyaan Ambalaas iyo lix ka mid ah ciidamada qaranka oo uu hore ula goostayayaa ku sugan duleedkaCeerigaabo iyada oo lagu wado in maanta lagu soo dhaweeyo magaalada Ceerigaabo.Sarkaalkan oo hore uga goostay ciidamada qaranka ayaa uu khilaaf soo kala dhex galay Taiye Caare oo ay isku koox ahaayeen, waxaana taliye Gamaal oo wata gaadhigii ambalaaska ahaa ee ay kooxdaas hubaysani ka dhacday gobalka Sanaag iyo lix askari la filayaa inay maanta yimaadaan magaalada Ceerigaabo.Badhasaabka gobalka Sanaag Maxamed Axmed Caalin Tiinbaro oo soo dhawaynaayay wafti uuhoggaaminaayo wasiirka caafimaadka oo Ceerigaabo tagay ayaa tibaaxay inay soo afjarayaan taliyihii iyo Ambalaaskii lagala goostay gobalkaas, waxaana isaga oo arimahan ka hadlaayay uu yidhi “Hawluhu gobalka Sanaag imika si wanaagsan ayay uga socdaan nabadgalyadii waa ay noo xasishay Alle hanoogu wado in yar oo nalagu xaman jirayna bilowgeedii Wasiir goobjoog ayaad nala ahaanaysaa oo waanu soo afjaraynaa, Anbalaaskiina waa uu noo joogaa oo meel aan naga fogayn inuu ilaa bari noo soo galo waanurajaynaynaa, khayr badan ayaa noo soo socda”Gaashaanle dhexe Gamaal Ducaale Maxamed oo wargeyska Geeska Afrika uu la xidhiidhay isaga oo ku sugan tuulada Haldhaagan oo 40km u jirta Ceerigaabo, ayaanay noo suurto galin inan khadka Telefoonka ku helno, laakiinwararka ayaa intaas ku daraaya in waan waan kadib sarkaalkani maanta lagu soo celinaayo ciidamadii uu ka goostay ee qarankaSomaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here