Safiirkii Talyaaniga Congo U Joogay Oo Jid Gooyo Lagu Dilay

0

Safiirkii waddanka Talyaaniga u fadhiyay Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Confo ayaa lagu dilay weerar ka dhacay bariga dalkaas, sida ay sheegtay wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Talyaaniga.

Luca Attanasio ayaa maanta oo Isniin ah ku dhintay Isbitaal la dhigay kaddib markii kolonyo gaadiidka Qaramada Midoobay ah oo uu ku safrayay lagu weeraray meel u dhow magaalada Goma, sida lagu sheegay bayaan.

Kolonyada ayaa lagu soo warramay in ay lahayd hayadda Cuntada Adduunka u qaabilsan Qaramada Midoobay ee magaceeda loosoo gaabiyo WFP.

Askari boolis ah oo u dhashay Talyaaniga oo la safrayay kolonyada iyo qof kale oo saddexaad ayaa lasoo tabiyay in sidoo kale halkaas lagu dilay.

“Waxaa murugo leh in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay xaqiijineyso geerida maanta magaalada Goma ku haleeshay safiirkii Talyaaniga,” ayaa lagu yidhi bayaan kasoo baxat wasaaradda.

Weerarka ayaa la aaminsan yahay in uu ahaa isku day afduub, sida ay ku warrameen saraakiil ku sugnaa meel halkaas u dhow oo xero xayawaannada lagu xannaaneeyo ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here