Saddex Abwaan iyo Saddexdoodii Meeris

0

Haddii aad haraad bastaa tahay waxaa maskaxdadda ku soo degdegaya waa biyo oo ah kuwa nolosha aadamaha u ah halbowlaha ee aanu noole la’aantood noolaan karin, iska daa noole xitaa dhirtu aanay cagaari karin ama bixi karin inkastoo ay iyaba noole tahay. Waana halka ay u dhimatay oo aan odhan karo dadka inta ka heestay ama ka gabayday waa ay badan yihiin laakiin qaabka uu Xuseen Aw-Faarax uga heesay waa qaab ka duwan halka gabyaaga ama mu’alifiinta kale mareen, waa si aanay maskaxdda aadamuhu keeni karin ama si fudud u heli Karin.

Xuseen Aw-Faarax Dubbad waxa uu ka mid yahay 10ka abwaan ee soomali yeelatay casrigan horseedna ka noqday fanka soomaalidda, haddiiba aanu ahayn ka ugu horreeya ruwaayaddo samaynta casrigga ah iyo xeeldheeridda unkidda erayadda layaabka leh. Bal aan soo qaato “Wabiyo isku ooman” oo ah hees jacayl ah oo ay ku luuqayso Xaliima Khaliif “Magool” taasi oo ka mid ahayd heesihii keli kelida ahaa ee Xuseen unkay mid ka mida haddiiba aanay ahayn ta la odhan karo waa ay ugu qiimo badan tahay Heesta oo aad layaab u leh oo aad is odhanyasa abwaanku halkuu ka doonay erayadda odhanaya sidan? Heesta oo dheer haddii aan tuducyo ka soo dheegto waxay odhanaysaa:

Jacayl waa wadkaagoo

Warmo kuu afaystoo

Sun uu kuu walaaquu

Weel kuugu shubayaa

Dadka wali hor jooggaa

Wuxuu dilay u sababoo

Qiyaamaha la waydiin

 

Wabiyo isu oomani

Inay wacatameenoo

Waayo badan is dooneen

In loo kala waramamayoo

Wacdi laysu sheegiyo

Waano lagala quustay

Goortay is waayeen

Isu waalan gaadheen

Waligiin ma maqasheen?

 

Wax ku qaadan maysaan

Wacdaraha Adduunkee

Waydiiya Culimadda

 

Inay weer xidheenoo

Biyihii wayraxeenoo

Waddamo isu jiidheen

In la waabin waayoo

Iyagoo wareer qaba

Isu soo wareegeen

Oo wanaag kalgacaloo

Wehel isu yimaadeen

Waligiin ma maqasheen?

 

Wax ku qaadan maysaan

Wacdaraha Adduunka

Waydiiya Culumaddaa

 

Inuu caashaq wadayoo

Is waraabiyeenoo

Xarreeddii wadaageen

Inay wehel is jeceloo

Wadnaha isu dhiibtayoo

Wada jira noqdeenoo

Waddo qudha mareenoo

Kala weecan waayeen

Waligiin ma maqasheen?

 

Wax ku qaadan maysaan

Wacdaraha adduunkee

Waydiyaa culimadda

 

Heestaa aan kor ku soo xusay ee Wabiyo Isku Ooman oo erayadeeda unkay Abwaan Xuseen Aw-faarax Dubbad ayaa ka mid ah kuwa ugu mudan heesaha casriga ah ee caashaqa taabanaya. Qofna isma lahayn waxaad maqli hees ay labo biyo xanbaarsani isku oomeen. Waad garan kartaa oon ama surmi ama haraad waa biyo la’aan iyo baahi laga cawdu-bilaysto oo aad u daran, nolosha soomaaliddana waad maqashay halka abaar iyo  biyo la’aan ay kala joogaan iyo inta ay noloshoodda ku soo noqnoqotay. Cid ka saartana wali ma ay helin oo Eebe uma soo dirin, taas oo sababtay in intaas oo jeer ay xaaqeen abaaro sida: Harga-cuna, Hawaara, Xaaraame-cuna, Jiitama, Daba-dheer iyo kuwo la mid ah.

Haddaba haddii abaar iyo biyo isla doono uu maskaxdaadda uu ku soo dhacayo abwaan Xuseen Aw-faarax Dubbad dhanka kale oo aanad waligaa ka fikirin kana fikirteen inta adduunku dhisan yahay ayuu u kacay oo waa goorma? Waa mar uu socdaal ku tagay dalka Suudaan dabadeedna uu booqday halka ay iskaga darsamaan labada Webi ee Nile-ka Cad iyo Nile-ka Buluugga ah. Halkaas marka uu taagan yahay weeye marka ay ku soo dhacayso eraydan layaabka leh ee Webiyo isku Ooman. Waa laba webi ee xaggee haraab u soo maray haddiiba ay yihiin kuwo biyo ka fatahayaan? Waa yaabka Xuseen iyo unkida erayo Webiyo isku Ooman oo isku soo  jiidhay waddamo iskuna soo wareegaya, aakhirkana ku kulmay abartaa ay isku darsameen. Haddaba haddii aad uun taqaanay harraad iyo biyo markan waa biyihii lagu oon baxay oo isku Oomay ee bal ma haysaa Xuseen Aw-faarax Dubbad hortii cid isku toshay haraad iyo kuwii xanbaarsanaa biyahii lagu jeel bixi lahaa oo laftooddii isku oomay? Jawaabtu waa maya. Heestaasina waa heestaa uu kugu baray Webiyo isku Ooman, codkii Xaliima Khaliif Magool iyo laxankii mulaxamiiste Al ustaad Macallin Xasan Guure Afrax “Greed”. Halkaana waa mid ka mida maqaalkan saddex abwaan iyo sadexdooddii tuduc Xuseena waxaan loox ugu Daabacay ama ugu duugay Webiyo isku ooman

Cismaan Aadan Xuseen oo ka mida ah hormuudkii Waaberi iyo kooxdii militariga ee isku darkooddii laga unkay kooxdan caan baxday ee Waabari oo mudo dheer ka mid ahaa madaxdoodda iyo abwaaniintoodda lahaana magac bixinta Waberi kana mid ahaa Foolaadkoodda safka hore, kaasi oo lahaa suugaan gooni ah oo aan halkan lagu soo koobi karin iyo ruwaayaddo aan ka xusi karo Maanta iyo Fadhi aa? Wadhaf iyo Shinbiro War iskuma Hayaan oo ahayd laba qaybood, Wed iyo Wacad oo uu abwaanku ka unkay Jacaylkii banaa Faadumo iyo Xaydar oo reer Saylac ahaa laba ruux oo aan Alle iskugu darin calaf iyo inay nolol wadaagaan kuwaasi oo kala geeriyooday ka hor intii aanay nolol wadaagin. haddaba abwaan Cismaan. Waxaan halkan ku soo qaadan doonaa heestiisa Qofka ka ugu il Dheer Baa, Dadka ugu Ayaan Daran. Bal u fiirso, waxaanay odhanaysaa sidan:

Horta yaa Awoodda leh? Ilaahay

Yaa Abuurideena leh? Ilaahay

Ajasheena yaa jara? Ilaahay

Haddii aan Islaam nahay

Asluubtiyo xishoodkiyo

Ehelkii is jeclaa iyo

Alle ka cabsigii mee?

Sida aan eegga nahay

Haddaan la ina arjumin

Ayaan baynu leenahay

Istaakhfurula dhaha yeey

 

Ahey Ahey Maskaxddaa laga Abaaroobey

Ninka ugu il dheer baa

dadka ugu daran ayaan daran

Waxaan lala arkayn baa

isaguun u muuqdee

Ahey Ahey Maskaxddaa laga Abaaroobey

 

Yaa adduunyo bixin kara? Ilaahay

Yaa arwaax wax siin kara? Ilaahay

Qofna Eber ka dhigi kara? Ilaahay

 

Sidii oon Arsaaqadda

inagu qaybinaynaan

Aflagaado iyo eed

Aakhiro ku seegnee

 

Abwaan Cismaan heestaa Qofka ugu Il-dheerbaa dadka ugu Ayaan daran waxa ka muuqda Saluug badan oo uu ka qabay bulshadda waliba xilliggaa waa 1980kii e’ oo dadku waa ladnaa noloshuna ma ay ahayn sida ay maanta tahay iyo si u dhow toona bacdamaa Abwaanniintu ka Il horreeyaan kana aragti dheer yihiin dadka caaddiga ah waxa uu arkayaa ugu yaraan 50 sanno ama 100 sanno oo soo socda sida wax noqon doonaan taana waxaa ka Marag kacaya Tuducdaydda heesta ka mida oo odhanaya sidan

 

Ahey Ahey Maskaxddaa laga Abaaroobey

Ninka ugu il dheer baa

dadka ugu daran ayaan daran

Waxaan lala arkayn baa

isaguun u muuqdee

Ahey Ahey Maskaxddaa laga Abaaroobey

 

Siddii Abwaan Xuseen Aw-faarax Dubbad ayuu isna markan Cismaan Aadan Xuseen ina barayaa cashar laba shay oo isku Cakis oo isku ild ah waa maxay tolwo? Waa Maskaxdaa laga Abaaroobay waligaa miyaad maqashay Maskax laga Abaaroobay dhul Abaaroobay mooyee. Waxaad maqli jirtay Meel hebala bus ayaa ka kacaya oo waa abaar halkii uu Gabyaa Ismaaciil Mire ka lahaa Abaar gaag ma reebaa dhacdiyo Gaatamoo kale. Haddaba bal ka waran haddii Maskaxdaaddii aad ku fikiraysay ee ku tusi lahayd meel iftiinka nolosha iyo ta danbe ee waa Aakhiro e ay Abaar ma dhalays ah noqoto. Waa mid laga subxaanalysto oo aan sahlanayn.

 

Xasan Sheekh Mu’umin waxa uu isna ka mid ahaa 10-ka abwaan ee casrigan danbe safka hore kaga jiray fanka soomaalidda. Waxa uu alifay ruwaayaddo ay ka mid ahaayeen: Shabeel-naagood iyo Gaaraa-bidhaan oo waliba si wayn looga daba dhacay aadna u caan baxay, iyo Maskax bay duniddu u magan tahay taasi oo iyana ka mid ahayd ruwaayaddihii caan baxay ee Abwaan Xasan Sheekh Muumin ku jelbeebiyay dadka Soomaaliyeed haddaba waxaan halkan ku soo qaadan doonaa ruwaayaddii Shabeel naagood dabayaaqaddii 1960kii Qarniggii tagay iyadoo Il gaara aan ku eegi doono ruwayaddii Shabeel naagood oo iyana ka mid ahayd kuwo ay ka soo dhex muuqdeen heeso yaable sida Dab Dhaxamooday oo la wadaagaysa Aragti dheer sida labada Abwaan ee hore aan ku soo falanqeeyay waa Xuseen Aw-Faarax Dubbad iyo Cismaan Aaadan Xuseen taasi ay noqotay sheekooyinkii laga unkay iyo heesihiiba iyadoo ay rag culusina ku ladheen laxanka oo aynu ka soo qaadan karno Bashiir Xaddi. Xasan waa uu ku dagaalamayaa in la yidhaa sadexdda Abwaan ee ugu sii horeeya ayuu ka mid noqonayaa oo ma uu ahayn nin kaftamaya marka ay curin noqoto.

Waxaanan halkan ku soo qaadan doonaa hees uu curiyay oo ka mid ahayd riwaayaddii Shabeel-naagood ee dalkii soomaaliya la isku odhan jiray laga dhigay hillaaddii 1968kii, waxaana ku jiray heeso badan oo caan baxay laakiin waxaan ka soo qaadan doonnaa heestii Dab Dhax Mooday ee ay ku luuqeeyeen Hibbo Maxamed iyo Cabdi Muxumed Amiin taasi oo uu abwaanku si layaable u falkay. Fariinta ay heestu gudbinaysaa waxay la hadlaysay xukuumaddii xilligaa dalka ka talinaysay oo dadwaynuhu aad u saluugsanaayeen, waliba heestani Boogtaa ayay si wayn u taabanaysay una damqaysay bal inay wax tar u noqotana la’ arkee ayuu malaha is yidhi abwaanku. Hase ahaatee waa tii wax aan sannad ka badnayd dabdeed uu yimi In inqililaabkii uu hor kacayay Maxamed Siyaad Barre. Heestuna waxay odhanaysaa sidan:

Doc kastoo la’eegoo

Nolasha dunidu waa dabkee

Hadduu dabkii dhaxmoodo

Maxaa lagu diiriyaa?

 

Waa tilmaan la daahoo

Deg-deg kumaa haboone

Adoo degen u fiirsoo

Ujeedadaa i deeqsii

 

Ruux haddii la doortoo

Darajadii la saariyo

Xilkii daryeeli waayaa

Dabdhexmooday weeye

Waa su’aaal da’waynoo

Madaxa daanilaysee

Wixii lagu diiranayo

Dadwaynahaa la waydiin.

 

Durdurkaa laga cabaa

Diikh lagu dabaasha

Hadduu haraad dareemo

Darkee laga waraabsahaa?

Waa tilmaan la daahoo

Deg-deg kuma haboone

Adoo degen u fiirsoo

Ujeedadaa i deeqsii

 

 

Ruux adduunyo haystee

Dahabkana barkanayee

Wixiisii deeqi waayeen

Durdur oomay weeye

Waa su’aaal da’waynoo

Madaxa daanilaysee

Darkii laga waraabin

Dadwaynahaa la waydiin.

 

Qofkii cudur dilaayoo

Dawadaa bogsiisee

Haday dawo bukooto

Maxaa lagu dabiibaa?

Waa tilmaan la daaho

Deg-deg kumaa haboonee

Adoo degen u fiirsoo

Ujeedadaa i deeqsii

 

Dalalnimaada diintiyo

Dastuurka iyo xeerka

Haddii dabo la saaro

Dawo bukootay weeye

Waa su’aaal da’waynoo

Madaxa daanilaysee

Wixii lagu dabiibi

Dadwaynahaa la waydiin.

 

Subaga dufankiisa

Dadku ka dhaashadaane

Haddii dufan basaaso

Maxaa duxdii ka qaaday?

Waa tilmaan la daaho

Deg-deg kuma haboone

Adoo degen u fiirsoo

Ujeedadaa i deeqsii

Dhaqanku dugsi weeyaan

Dalkiisu ku dhaatee

Haddii dadkiisi aaso

Dufan basaasay weeyaan

Waa su’aaal da’waynoo

Madaxa daanilaysee

Halkii dux looga dooni

Dadwaynahaa la waydiin.

Haddaba manta oo ay ka soo wareegtay 53 sano sanadkii uu curiyay Alle ha u naxariisto Xasan Sheekh Muumin heestaa uu ku ladhay Ruwaayaddii Shabeel Naagood ayaa iyadoo ka sii dartay ay taagan tahay Dab dhaxamooday. Dhanka Somaliland waxaa dawlad u ah xukuumad uu horboodde ka yahay Muuse Biixi Cabdi (Wax ma yaqaan) oo dhagaha iska juqaalay, waxna aan garanayn, loogana baqo qabo in ay gacmihiisa ku dunto Somaliland haddii aan Alle caymin. Dhanka kalena waa taa isa sudhan ilaa iyo maalintii uu Siyaad Barre uga baxay iyadoo Muqdisho  laydh iyo Biyo ba leh 1991kii. Halka ay Maanta taallana cid looga sheekaynayaa ma jirto. Haddii uu Xasan Sheekh Muumin iyo Aragti dheeridiisii maddaxdii dawladdii rayidka ahayd ee jirtay 1968kii ku tilmaamay Dab dhaxamooday oo uu dabku yahay halkii diirimaadba loo doonan lahaa tolow maanta haddii uu nool yahay muxuu ku tilmaami lahaa xukuumadda Somaliland ee uu horboodaha ka yahay Muuse Biixi Cabdi iyo taa kale ee wali is dooxanaysa? Allaa og wuxuu odhan lahaa.

Aan ku soo dabaalo in saddexddaa Abwaan iyo saddexdooddaa meeris na bareen Suugaan yaab leh oo ka duwan tii aynu maqli jiray una falkiyeen qaab yaab leh oo ah shay lagu dawayn jiray shay oo shaygii lagu daawada ahaa wax si ka noqdeen iyo halka xalkiisa laga doonayo kolkaa waa halkii Boobe Yuusuf Ducaale ee bal adba!

 

 

 

Qore: Cabdi Muxumed.

cabdimuhumed60@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here