Saamaynta Intee Le’eg Buu Qiiqa Diyaaraduhu Ku Keeni Karaa Caafimaadka Dadka iyo Deegaanka?

0

Waa maxay qiiq-u-ekaha (Contrail) diyaaradahu sii daayaan? Wax dhibaato ahse miyuu u leeyahay dadka iyo degaanka?

Waxaa jira figrado been-abuur ah (Conspiracy theories) oo odhanaya qiiqa ama qaaca diyaaraduhu sii daayaan uu yahay mid waxyeello weyn u leh dadka iyo degaankaba iyagoo ku magacaabay wax ay ugu yeedheen (Chemtrail). Dadkaasi waxay ku tilmaameen in uu yahay kiimiko (Chemical) iyo walxo ka kooban Biological agents, kuwaas oo ujeedada ka danbaysaa ay tahay in la yareeyo falaadhaha qoraxda (Solar Radiation Management) ee ka soo gudbaya dahaadhka atmosphere-ka ee loo yaqaan Ozone Layer, si loogu adkeeyo qarada dahaadhka (Solar Geoengineering) iyo in wax ka bedel lagu sameeyo cimilada adduunka (Weather Modification) si loo dhimo 50% kulaylka cimilada marka la gaadho sannadka 2050-ka iyo in loo adeegsado kala dheeraynta dhallaanka si loo yareeyo tirada dadka oo sii badanaysa (Human Population Control) iyo ugu danbayn dagaal kiimikaad (Chemical Warfare). Habkan oo loo isticmaalo walax qiiq (Aerosol) ahaan loogu furo hawada sare.

Arrintan oo ay ka danbeeyaan qolyaha u ololeeya cimilada iyo degaanka (Environmental Groups), kuwaas oo ka sameeya dhaqaale ay kaga helaan dadka cabsida weyn ka qaba isbedelka cimilada ee (Climate Change), iyagoo u tasaya inay khatar weyn ku tahay noolaha iyo degaanka. Waxay ku tilmaameen in kiimikadan (Chemical) hawada sare diyaaraduhu ku furayaan uu ku keeno dadka xanuunka neefta (Respiratory Illnesses) iyo xanuuno kale oo badan, daaqa iyo beerahana u geysto dhibaato badan maadaama ay la falgalaan kiimikooyin (Chemicals) ay ka mid yihiin aluminum, strontium iyo barium. Waxaana ay ku eedaynayaan in wadamada Maraykanka iyo Yurub wadaan wax ay ku magacaabeen Barnaamijka Hawlgalka Madow (Black Operations Project).

Hadaba, waa maxay runta ka danbeysa qiiq-u-ekaha diyaaraduhu sameeyaan?

Horta mishiinada diyaaraduhu ma laha qiiq badan oo ka soo baxa exaust-kooda maadaama ay isticmaalaan Hydrocarbon aan badhxanayn ama shidaalka loo yaqaan Jet A ama Jet A-1 oo ah shidaal aan midab lahayn. Hadana waxaa mararka aanay jirin daruuro badani ee ay hawadu saafiga tahay la arkaa wax u eeg qiiq oo ay diyaaraddu xagga danbe ka sii dayso marka ay altitude aad u sarreeya marayso, qiiqaas ama qiiq-u-ekahaa waxaa loo yaqaannaa Contail.

Qiiqa-u-ekaha (Contrail) diyaaradahu waxaa keena hawa kulul oo ka baxda exhaust-ka diyaaradaha marka ay mishiinadu gubaan shidaalka ee cadaadiska comborosoorku (Combustion chamber) sameeyo ay dibada uga soo baxaan xagga danbe ee mashiinada (Engines Exhaust). Awoodaas ay ku soo baxayaan shidaalka gubtay iyo hawada kululi oo loo yaqaan (Jet blast) ayaa la kulanta hawada sare ee Troposphere-ka oo ah qiyaas ka sarraysa 28,000ft, xaaladda qabowgana ah -40C° iyo wax ka sii hooseeya.

Marka hawadan kululi la kulanto hawo aad uu qabowgeedu u hooseeyo oo qoyan (Condensed) ayaa waxaa sameysma baraf (Ice-saturated particles). Barafkaa sameysmay oo laba nooc ah, mid ay sameeyaan exhaust-ku, ka kalena ka sameysma darafyada baalasha diyaaradaha oo sababa xaalad ruxan ama qas haweed (Air Turbulence).

Waxaynu tusaale ahaan u soo qaadan karnaa marka uu dhacayo qabow aad u hooseeya ee ay hawaduna tahay mid qoyan (Humid) waxa aad arkaysaa dadka oo afkooda uu ka soo baxayo wax qiiq la moodo sababta kululayka afka ka soo baxaya oo la kulma qabow hooseeya. Maadaama ay hawadu tahay mid aad u qoyan oo qabow (Fully saturated) ma qaadi karto hoorka (Vapour) afka ka soo baxaya ama ma liqi karto, sidaa daraadeed ayuu ugu muuqanayaa kulaylkii afkaa ka soo baxayey qiiq ahaan oo kale.

Qiiq-u-ekahan (Contrail) ayaa ku kala duwan cimriga ay ku sii jiri karaan hawada dhexdeeda, taas oo ay ku xidhan tahay kolba inta uu yahay huurka (Humidity) hawada sare. Haddii huurka hawada sare uu yar yahay mid hooseeya (Low Humidity) qiiq-u-ekuhu (Contrail) wuxuu ku baaba’aa muddo ku siman 2 ilaa 3 daqiiqo kolba inta hawadu ay liqi karto (Absorption) qiiq-u-ekaha. Haddiise uu huurku yahay mid sarreeya (High Humidy) waxay cimriga uu qiiq-u-ekuhu (Contrail) sii muuqan karaa 2 ilaa 3 saacadood, mararka qaarna uu gaadhi karoba ilaa 17 saacadood isagoo isu sii bedela daruuraha aynu u naqaanno caadka (Cirrus) iyadoo uu baaho ama balaadho ballacoodu, taasna ay keento dabaylaha ka dhaca xagga sare ee atmosphere-ka (Air streams), laguna kala ogaado dhinaca ay dabayshu u dhacayso iyadoo laga tusaale qaadanaya kolba dhanka uu qiiq-u-ekuhu u baaho.

Inkasta oo aan qiiq-u-ekaha lagu sheegin dhibaato khatar ku ah dadka iyo degaanka toona sida ay qolooyinka degaanka iyo cimilada u ololeeye (Environmental Activist Groups) ay ku Sheegeen warbixinno badan oo ay kaga soo horjeedaan gaadiidka cirka (Air Transport).

Hadana taa macnaheedu ma aha in 100% uu emissions-ka diyaaraduhu yahay mid aan lahayn wax dhib ah, waayo gaadiidka cirku (Air Transportation) wuxuu qayb ka yahay waxyaabaha hawada wasakheeya (Air pollution) inkastoo wasakhayntooda lagu qiyaaso 3% oo keliya maadaama ay diyaaraduhu hawada sare ku sameeyaan maadadda loo yaqaan Nitrogen Oxide (NOX2), maadaddan oo agagaarka madaarrada diyaaraduhu aadka ugu badan yihiin hawada ka ag dhow madaaraddaas wasakheeya.

Inkastoo muddooyinkii ugu danbeysay mishiinada diyaaradaha casriyeyn badan lagu sameeyay (Efficient Combustion) iyadoo laga duulayo go’aamadii lagu soo saaray shirkii 39aad ee Assembly Resolution A39-3 paragraph 5 ee International Civil Aviation Organisation (ICAO) ee loogu magac daray Carbon Offsetting and Reduction Scheme for International Aviation (CORSIA) ee qabsoomay 7-dii October 2016. Shirkaas oo laga wada hadlay dhimidda isticmaalka shidaalka ee diyaadaha (Offset) iyo isticmaalka shidaal ka bedelan ka ay hadda diyaaraduhu isticmaalaan (Alternative Fuels) sida istimaalka waxyaabaha loo yaqaan (Fossil Fuels) oo ay mid tahay saliidda Palm-ka (Palm Oil), si loo dhimo wasakhaynta hawada ee diyaaradaha (Aviation Emission) boqolkiiba 50% marka la gaadho sannadka 2050 iyadoo laga bilaabayo 2016-ka, ujeedada qorshahan ayaa ah in cimilada hawada adduunka la dhimo 1.5°C sannadka 2050-ka.

Haddaynu u soo noqonno arrintii uu maqaalkeennu khuseeyey ee ahay in uu qiiq-u-ekuhu khatar ku yahay dadka iyo degaanka waxaad tusaalahan sare ee qorshaha dhimista wasakhaynta hawadu uu yahay waxa ugu badan ee caalamku iyo hay’adaha duulitaanada caalamiga ah ay ka shaqeeyaan sidii loo heli lahaa wax lagu bedelo istimaalka shidaalka diyaaraduhu isticmaalaan, iskaba daa in si ula kac ah loo wasakheeyo hawada iyo degaanka’e.

Halkaa waxaa innooga cad in warbixinada been abuurka ama Conspiracy theory-ga ay shakiga ku abuurayaan ay tahay mid been ah oo ay caddeeyeen khuburo xagga saynis-ka ah oo baadhitaanno badan ku sameeyay markii codsiyo badani uga yimaadeen dad ay shaki ku abuureen ururada degaanka u ololeeyaa (Environmental Groups). Khuburadaa saynisyahanada ah waxaa ka mid ah Science Systems and Applications Incorporated (SSAI), Atmospheric Science Data Center (ASDC) iyo qaar kale oo badan.

Wallahu Aclam
Waad mahadsan tihiin.

Ahmed M Musa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here