Rwanda Oo Hindistay Baabuur Cusub Oo Casri ah

0
Dalka Rwanda ayaa soo saaray mid ka mid ah Baabuurta ugu casrisan ee hadda laga isticmaalo caalamka.

Baabuurkan oo uu noociisu yahay Volkswagen, ayaa taariikhda markii ugu horeysay lagu guulaystay in lagu sameeyo qaarada afrika, waxaana taas Nasiib u helay wadanka Rwanda.

Madaxweynaha Dalka Rwanda  Kagame oo ka qayb galay daah furka gaadhigan cusub ayaa sheegay in afrika markii hore ay lacago badani kaga bixi jireen baabuur qaali ah, hasayeeshee hadda ay wax badani isbedeli doonaan.

baabuurkan oo ay soo saarto shirkad laga leeyahay dalka Jarmalka ayaa waxa ay Rwanda hadda hiigsanaysaa sidii ay qaarada afrika uga heli lahayd suuq cusub.

todobaadkii hore ayay ahayd markii ay Rwanda soo saartay noocyo cusub oo ka mid ah telefoonadda hadda la isticmaalo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here