Real Madrid Oo Juventus Ka Iibisay Ciyaaryahan Cristiano Ronaldo

0
155

Kooxda Kubbada Cagta ee Real Madrid ayaa shaacisay in ciyaaryahankeedii Afka hore uga ciyaari jiray ee Cristiano Ronaldo uu u wareegay dhinaca kooxda Juventus.

Ciyaaryahankan  33 sano jirka ah ayaa wakhtigan fasax la qaadanaya xaaskiisa iyo wiil uu dhalay, waxaana lagu soo waramayaa in uu heshiiska uu ugu wareegay dhinaca Kooxda Juventus uu yahay mid qiimihiisu uu gaadhayo 88 million oo lacagta yurub ah.

Xiddigan ayaa ku sugan dalka Giriiga, waxaana heshiiskiisuu noqonayaa kii ugu qaalisanaa ee lagu kala iibsado ciyaartooy xilli ciyaareedkan cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here