Ra’isal Wasaare Khayre Iyo Madaxweyne Deni Oo Kala Magacaabay Guddiyo Qabanqaabiya Aaska Marxuum Xasan Abshir

0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa magaacabay guddi gaar ah oo ka shaqeyn doono diyaarinta aaska qaran ee loo sameynayo Ra’iisal wasarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax oo shaley ku geeriyooday magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

Guddigan oo dhammaantood wasiiro ah waxaa hogaaminayaa Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed.

Dhanka kale, Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sidoo kale magacaabay guddi kale oo diyaarinayo aaska Ra’iisul wasaarihii geeriyooday ee Xasan Abshir Faarax.

“Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Guddi u magacaabay Aas Qaran oo Garoowe loogu sameynayo Alle ha u naxariistee Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax iyo Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Maxamed Cabdi Xaashi” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay madaxtooyada Puntland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here