Ra’isal Wasaaraha Talyaaniga Oo Addis Ababa Gaadhay + Xaalada Milatariga Ethiopia Oo Mushahaar La’aan Ka Cawday

0
232

Ra’isal Wasaaraha Talyaaniga Giuseppe Conte ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Magaaladda Addis Ababa ee xarunta wadanka Ethiopia.

Waftiga uu hogaaminayo Giuseppe Conte ayaa waxa garoonka diyaaradaha ee Magaaladda Addis Ababa kaga hor tagay Ra’isal Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed Ali oo ay wehelinayaan Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr. Workneh Gebeyehu iyo Xubno ka tirsan xukuumadiisa.

Safarka Ra’isal Wasaaraha Talyaaniga oo qaadan doona Muddo laba maalmood ah ayaa inta uu halkaasi ku joogo waxa ay ka wada hadli doonaan arrimo salka ku haya geeska afrika iyo waliba xidhiidhka labada wadan iyaga oo qalinka ku duugi doono heshiisyo dhawr ah.

Dhinaca kale waxa degan xaaladda Magaaladda Addis Ababa ka dib markii ay shalay ciidamada Milatariga ee dalkaasi cabasho ka muujiyeen dhaqaalaha la siiyo.

Waxa ay isku shubeen xafiiska  ra’isal wasaaraha, halkaas oo uu kula hadlay isla markaana uu ku dejiyay.

Image may contain: 4 people, people standing, wedding and suitImage may contain: 3 people, people smiling, wedding, beard and suitImage may contain: 2 people, people smiling, people standing and suitImage may contain: 2 people, people smiling, people standing and outdoorImage may contain: 3 people, people standing and suit

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here