Ra’isal Wasaaraha Ethiopia Oo Muqdisho Lagu Soo Dhaweeyay

0
415

Ra’isal Wasaaraha Waddanka Ethiopia Abiy Ahmed Ali ayaa goor dhaweyd ka degay Garoonka Diyaaradaha ee Magaaladda Muqdisho.

Abiy Ahmed Al ayaa waxa halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.

Safarka Ra’isal Wasaaraha Ethiopia ee Abiy Ahmed Ali ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee uu ku yimaado Magaaladda Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya tan iyo markii xilkaasi loo doortay.

inta uu socdaalkiisa ku joogo Magaaladda Muqdisho waxa la filayaa in uu kulamo kala duwan la yeesho madaxda dawladda Federaalka Soomaaliya iyaga oo ka wada hadli doonaa arrimo dhawr ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here