Ra’iisul Wasaare Afrikaan Oo Uu ku dhacay coronavirus

0

Ra’iisul wasaaraha Guinea Bissau, Nuno Gomes Nabiam ayaa laga helay feyraska corona, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee dalkaas.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo labo wasiiro oo kale ayaa laga helay cudurka Covid-19.

Ra’iisul wasaaraha wuxuu sheegay in xubno ka tirsan guddi wasiiro ah oo loo xilsaaray dadaallada looga hortaggayo cudurka in uu ku dhacay cudurka.

Adeegyada caafimaadka ee dalka Guinea Bissau ayaa ah kuwo liita, waxaana arrintaas loo aaneeyay maamulo xumo iyo dhaqaale la’aan ka jirta halkaas.

Dalkan ku yaalla galbeedka Afrika wuxuu xaqiijiyay 205 qof oo uu ku dhacay coronavirus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here