RAADINTA GUUSHA iyo hadafka nolosha {QAYBTII 10NAAD}

0
482

Anigoo ka baxaan mawduucii aan ka hadlayey,ciwaankiisu ahaa   SIDEE LAGU GAADHAA HOGGAAMIN WANAAGSAN, hadana waa muhiim in ay ka hadalo dariiq lagu gaadhayo hoggaanka wanaagsan.laynu soo qadano dhawr tusaale haynu soo qadano. Qof baa raadin jiray guusha oo garaacay albaabo badan, dad fara badan oo ah kuwa guusha gaadhay la hadlay, inta badan wax u fiirsada, in baddan ka fikiraa, in badan wax tijaabiyay, si uu ugaadho guusha. Toloow ma gaadhay guushii u raadinay?

Markii uu ahaa wiil yar wuxuu jecla ka duwanaasho dadka,dadka habeenkii wuu seexan jiray isaga oo ku hamiyaya inuu noqdo shaqsiyad aad u muhiim, maamulaha mid ka mida hotelada ugu waaweyn,hamihiisa si uu u mujiyo kor ayuu ugu dhawaaqi jiray si cida agtiisa joogtaa u maqlaan, laakiin dhamaantood dheg jalaq umay siin jirin waxaaynu u arkayeenin uu khiyaali ku hadlayo.

Arimahaas oo dhani wiilka yar may niyad jabin jirin waayo waxaay markasta ku odhan jireen waaryaa wiilka yaroow noqo mid waaqici ah, ruuxu waa in uu ahaadaa mid waaqica la jaanqaada oo la noolaada oo aanu ku noolaan khiyaali ah.markii wiilka yar uu waynaaday wuxuu go’aansaday inuu majaalka hotelkada barto, run ahaantiina wuu bartay kana qalin-jabiyay, si uu waaqica baladkiisa u waajaho, wuu guursaday kadibna wuxuu u haajiray mid ka mida dawladaha reer galbeedka waxaa laga yaabaa inay u suuragaasho inuu xaqiijiyo himiladiisa,kanada inuu u hijroodo ayuu doortay.

Wuu tagay isaga oo yididiilo iyo rajo qaba, sidaa caadada ahna waxaa uu la kulmay carqalada badan, waxaa uugu daraa dadkii oo niyad jabiyay oo u sheegay inuu yahay caydh,bilaa khibrad, luqada wadanka aanu aqoon, xataa shahaadad uu haystaa aanay ahayn mid la ictiraafsan yahay kanada dhexdeeda waxaas oo dhan oo keenaya inuu fashilmo. Maxaan samaeyaa? Siduu naftiisa waydiiyay isaga oo wareersan.

Miyaan ku noqdaa wadankaygii oo aan ogahay inay igagiisii horeyso qosol iyo dheel dheel oo ay igaga sii horeeyaan kuwii awalba ii sheegi jiray inay guuli iga dheertahay, mise halkan ayaan iska jooga aniga oo arkaya fursad aan guul ku gaadhaa inay yartahay amase aanay jirinba. Wuxuu noqday mid jahawarersan kadib wuxuu bilaabay in uu shaqada ka bilaabo ka weelka dhaqa mid ka mida hotelada kanada, Maalin maalmaha kamida ayuu Aabihiisii dhintay laba sano ka hor riyo ugu yimid wuxuuna ku dul akhriyay mid ka mida aayada qur’aanka kariimka ah( ilahay qoomna ma doorsho ilaa ay isdooriyaan) Waxa ay ba uga dhignayd sidii oo loo furay dariiq xidhna.

Waxaayna noqotay toosh uu ku iftiinsado madawgiii uu ku jiray, naftiisa ayuu ku yidhii maxaay tahay mushkilaan waaqicaga xun ama fashalkan soo noqnoqday, Tomas Adison wuxuu fashilmay in ka badan 10 kun oo jeer ka hor intaanu calaamka u shidin laambadiisa. Wallat Dazinay wuxuu kacay in ka badan todoba jeer, laakiin may quusan ismana ay dhiibin. Aniguna waan karaa inaan sidooda oo kale noqdo, arintaas oo wiilka yare e dhalinyarta siisay awood kuna abuuray rajo, wuu bartay ilaa uu ka qaatay shahaadada Diploma ee maaraynta hoteelada, rajo iyo yididiiladu waxaay noqden wehelkiisa, cabuuskii wajigana wuxuu ku badalay dhoolacadayn,caafimadkiisina wuu fiicnaaday, wuxuuna hore ugu talaabsaday xaqiijinta hadafkiisa, iyo riyadiisa.

Wuxuu ka shaqayn jiray makhaaxi yar subax iyo galaba, wuxuuna is qoray mid ka mid jaamacadaha si uu u qaato shahaahadad maamulida hotelada qalabtiina wuxuu helay shaqo ah inuu maamulo hotelka, kolba kor ayuu usii kacayay wuxuu helay shahaadadisii cilmiga ahayd ilaa uu ka noqday maamulaha guud ee hotelka, wuxuu aasaasay koox shaqo oo aad u heersaraysa. Wuxuuna gartay in riyadiisii uu xaqiijiyay, laakiin naftiisa damaca badani marnaba halkaa kuma joogsan wuxuu helay haana shaqo kasii saraysa waxaa kale oo uu helay siminaaro kale oo cilmi ah oo aqoontisa uu ku dhigto dadaalkiisa sareeya awgeed  wuxuu noqday ardayga ugu fican dadka guryahay wax ku barta waana abaalmarina ay bixiso dawlada maraykanku.

Dabayshu had iyo jeer waxaay u socotaa jihada aanay doonidu jeclayn, dadkii hotelka lahaa ayaa go’aansaday inay hotelka xidhaan, maktabkiisii wuu ka tagay muftaaxii gaadhigiisana wuu dhiibay gurigiisina wuxuu ku noqday isaga oo gaadhi kiro wataa, dad badan oo saaxiibadiisa ah ayaa ka kala yaacay mar labada ayay daruur madoobi dushiisa hogatay.

Mar labaad ayuu Aabihii soo booqday isaga oo xasuusinaya xikmad taas oo markii uu yaraa uu ku celcelin jiray Aabihii,(ogow wiilkaygiiyoow haddii ilahay Albaab xidho wuxuu furaa albaab kale oo ka khayr badan) wiilkii yaraa wuxuu dib u baadhay kaydkii hibooyinkiisa iyo khasnadiisii oo suuragal uga dhigaya in albaab kale u furmo, wuxuu xasuustay buugisii xasuus qorka oo markasta oo afkaar fiicani kusoo dhacdo uu ku qori jiray, wuxuuna goostay in fikraadaha urursan uu ka dhigo kitaab, wuu ka dhabeeyay qorida kitaabkii ila uu ka dhameeyay wuxuuna goostay inuu xisaabtiisa ku daabaco wuxuu ka iibiyay shankun oo nuskho muddo saddex bilooda,  kadibna wuxuu usoo jeesta inuu wax qoro waxna dhigo oo uu bixiyo siminaaro oo uu dadka ka caawiyo sidii ay hadafyadooda u xaqiijin lahaayeen.

Imika oo ay sodon sano ka xigto wakhtigii uu wiilka yari bilaabay halganka nolosha  waxad arki in wiilkan yari uu yahay mid guul weyn gaadhay, wuxuu leeyahay kutubta loogu jecelyahay dunida waxaana loo turjumay luqado badan, aqoontiisii way kordhay asluubka cilmiigiisa waxaa lagu dhigaa sharikaadka caalamka ugu waaweyn ,imika aaduunyada ayuu wareegaa si uu dadka u baro nolosha fiican wuxuu ku raaxaysraa inuu dadka ka caawiyo waxaa laga yaaba inaad la yaabtan sida aan u helay  faahfaahinta qisada wiilkan yar laakiin waxaan idinkaga yaabinayaa markaa aan idiin sheego inuu wiilkan yare e himilada dheer leh uu yahay.Qisada aan idinka qisoodayna waxaay ka dhignayd cajalada hortayda taalay oo ii muuqatay {Dr. Ibrahim ALFiqi}

Waxaay qoray: Mubarik Abdi Siyad {MBA going on}

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here