Qudhaanjada Iyo Noocyo Shimbiraha Ka Mid Ah Ayaa Leh Hab Abuur Ah Oo Ay Cudurrada Iskaga Daweeyaan

0

Dhammaan noolaha duniga guudkeeda Alle ku uumay waxa ay leeyihiin hab iyo farsamo ay iskaga difaacaan cadowga, cudurrada iyo wax kasta oo noloshooda khatar ku ah, laakiin qaarkood ayaa haddana si gaar ah mucjiso u noqda oo lagu arkaa wax yaabo ay kuwa la midka ah kaga duwan yihiin. Waxaa ka mid ah nooc qudhaanjada ka mid ah oo awood dabiici ah u leh in marka jeermis ay dareentay ay si dhaqso ah u cabto sun ay og tahay in aanay nolosheeda wax yeelayn si ay jeermiskaas isaga disho.Picture97

Marka ay qudhaanjadani dareento caabuqa waxa ay raadsataa qudhunka iyo hadhaadiga qashinka xayawaanka, dhareerkiisa ama suntan xayawaanka iyo xasharaadka qaarkii sii daayaan kadibna waxa ay ka cuntaa xaddi ay og tahay in aanay nolosheeda wax yeelayn.

Qudhaanjadan oo afka cilmiga lagu magacaabo Formica waxa ay aalaaba ku nooshahay ciidda hoosteeda, meelaha kudaafadaha ah iyo dhagxaanta dhexdooda, isla marka jeermis yar oo jidhkeeda galay ay dareento gaar ahaan jeermiska Beauveria Bassina oo qudhaanjada dila waxa ay dhaso u raadsataa walxaha aynu kor ku soo xusnay.

Sida lagu sheegay warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay idaacadda BBC qaybteeda dibadda la hadasha, arrinta mucjisada ahi waxa ay tahay sida xirfaddu ka muuqato ee qudhaanjadani ay iskaga ilaaliso in suntaas ay ka qaadato xaddi ka badan inta uu dhib ahaan jidhkeedu qaadi karo, si aanay iyada qudheeduna ugu waxyeelloobin.

Sida lagu caddeeyey daraasaddan ay sameeyeen xeeldheerayaal ka tirsan jaamacadda Helsinki ee dalka Finlad, qudhaanjadan oo leh dareen abuur ah oo ay si sahal ah ugu urin karto cunto kasta oo leh maaddooyinka suntan ah ee ay dawo ahaan ugu baahan tahay, awooddan is daweyntana waxaa la wadaaga xayawaanno kale oo ay ka mid yihiin noocyo shimbiraha ka mid ah, shinnida iyo xamaaratada qaarkood.

Xeeldheerayaashu waxa ay sheegeen in suntan ay qudhaanjadu qaadanaysaa haddii ay jidhkeeda ku badato ama ay jidhka gasho iyada oo aanu jeermis ku jirin ay u halis u tahay in ay qudhaanjada disho. Waxaa iyaduna xusid mudan in qudhaanjadu ay leedahay awood dabiici ah oo ay ku garan karto marka ugu horreysa ee uu jeermis ama caabuq jidhkeeda soo galo.

Geeska afrika

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here