Qof Qaba Cudurka Ebola Oo Kenya Lagu Arkay

0
Congolese officials and the World Health Organization officials wear protective suits as they participate in a training against the Ebola virus near the town of Beni in North Kivu province of the Democratic Republic of Congo, August 11, 2018. REUTERS/Samuel Mambo

 

Bukaankii ugu horeeyay ee qaba Xanuunka Halista ah ee EBOLA ayaa lagu arkay deegaan ka tirsan Dalka Kenya.

Ruux haweenay ah oo dhawaan kasoo laabatay Dalka UGANDA oo xanuunkani uu dad badan kasoo ritay,ayaa waxa lagu arkay deegaanka Kericho ee dalkaasi.

Laamaha Caafimaadka kenya,ayaa sheegaya in haweenaydan oo kenyaan ah lagu arkay calaamadahaha Xanuunka Ebola,isla-markaasna la geeyay goob lagu karantiimeeyo dadka uu soo rito Xanuunka Ebola.

Waxa aad u siyaaday cabsida laga qabo xanuunkan,iyada oo heeggaan la galiyay Bahda Caafimaadka ee kenya.

KENYA,ayaa waxa ku nool Somali badan,iyada oo maalin walba duulimaadyo toos ahi ka yimaadaan Nayroobi,soona gaadhaan Magaalooyinka waaweyn ee Somalidda.

Dhinaca kalena,Dawladda federaalka Somaliya,ayaa sheegtay inay diyaar garaw balaadhan ka leeyihiin hubinta Caafimaad ee dadka ka imanaya dhinaca Kenya,iyada Laamaha Socdaalkana la faray inay Feejignaan dheeri ah sameeyaan.

Xanuunka EBOLA,ayaa si weyn u sameeyay Wadamadda Galbeedka iyo Badhtamaha Afrika,sannadihii 2014-kii ilaa 2016-kii,kaas oo galaaftay Nolosha Kumaanaan Ruux oo ku noolaa deegaanadda ka fog-fog adeegyadda Caafimaadka,gaar ahaana Dalka Jmauuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here