Qaramada Midoobay Oo Cambaaraysay Weerar Lagu Beegsaday Caruur Reer Yemen Ah

0
68

Qaramada Midoobay ayaa cambareysay weerar ka dhacay dalka Yemen oo ay ugu yaran ku dhinteen 29 caruur ah.

Weerarka ayaa lala bartilmaameedsaday gaari Bas ah oo siday caruurtan.

Isbahaysiga ay Sacuudiga hogaamiyaan ayaa weerarkan ku tilmaamay tallaabo militari oo sharci ah.

Waxa ay isbahaysiga intaa ku dareen in weerarka lala bartilmaameedsaday goob ay Xuutiyiinta ka soo riddaan gantaalada ay Sacuudiga la beegsadaan.

Balse hay’adda Qaramada Midoobay ee caruurta ee UNICEF ayaa ku tilmamtay waxa dhacay “mid aan la aqbali Karin “,.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay,Antonio Gutteres ayaa ku baaqay in dhacdadani la baaro.

Isbahaysiga uu Sacuudiga hogaamiyo ayaa waxay tageeraan dowladda Yemen ee dagaalka kula jirto Xuutiyiinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here