Qabka Xirsi, Qaansada Samaale, Qorshaha Biixi, Qamuunyada Muuse, Qaybta Xaashi Iyo Qabyadda shirka

0
  • Wasiir Xirsi Ma Wuxuu Doonayaa Murashaxa Madaxweynaha Mise Gudoomiyaha Xisbiga?
  • Madaxtooyadu Goormay doonaysaa in la qabto shirka?
  • Muuse Biixi goormaa dantiisu ku jirtaa in shirku dhaco?

Weli waxa socda loollan aan dhamaad lahayn iyo hirdan siyaasadeed oo isku mashquuliyay xisbiga Kulmiye iyo xukuumaddiisa, kaasoo la saadaalinayo in dhamaadkiisu beegsan doono dabayaaqada 2016, waqtigaas oo ku beegan dhawr bilood ka hor xilliga dhamaadka mudda kordhinta loo sameeyay Madaxweynaha iyo Madaxweyne xigeenka oo ku eg April.2017.

Siday tibaaxeen xoggo uu wargeyska Ogaal ka helay illo u dhuun dalloola madaxtooyada iyo xisbiga Kulmiye, waxa si wayn laysugu khilaafsan yahay muddada shirka golaha dhexe qabsoomayo, isla markaana waxay xoguhu iftiimiyeen in Gudoomiye Muuse Biixi doonayo inuu shirku dhaco waqtigan xaadirka ah, madaxtooyada iyo wasiiro xukuumadda ka tirsan oo ay ka mid yihiin ragga ay aadka isu hayaan gudoomiyuhuna ay diidan yihiin qabashada shirka millaygan xaadirka ah, taa bedelkeedana aanay jirin muddo dhaw oo u muuqata inay damacsan yihiin in shirku dhaco. “Muuse Biixi iyo Madaxtooyadu way isfahamsan yihiin. Muuse Biixi wuu og yahay danta ugu jirta in shirka imika la qabto,madaxtooyaduna way og tahay danta ugu jirta dibu dhiga, wasiiradda ay Muuse is hayaan ee Xirsi ugu horreeyana danta ay ka leeyihiin dibu dhiga shirka iyo faa,iidada ugu jirta way garanayaan. Dhinac waliba xilliga uu khasaarayo wuu hillaadin karaa, markaa Muuse danni uguma jirto dibu dhiga shirka, ee waxa u fiican in la kala calaf qaado inta ay bilowga tahay mudda kordhinta xil haynta madaxtooyadu. Xirsi iyo inta taabacsan ee ay isku aragtida yihiinna waxa u dan ah inay helaan waqti ay ku diyaariyaan saaxad isku halayn leh oo hubanti ka dhigta inay ka guulaystaan. Wasiir Maxamed Biixi laftiisa waxa u dan ah in shirka dib loo dhigo, balse Samaale laga yaabaa inay dantiisu ku jirto labada xilliba, inkastoo Muuse Biixi mooyee ragga kale oo dhan laysku tirinayo, oo ay ka midaysan yihiin la dagaalanka Muuse Biixi, haddana marka damacyaddooda la eego mararka qaar la kala tirinayo, oo su,aalo ka taagan yihiin xubnaha qaar waxay doonayaan, misana kala tagsanaantoodu ma muuqato hadda.” Sharaxaadaa kooban waxa ka bixiyay mawduucan mid ka mid ah dadka dhexdhexaadka ah ee rogroga ama lafagura arrimaha siyaasadda.

Falanqeeyahani wuxuu intaa ku daray oo uu yidhi; “Wasiir Xirsi waa nin wax badani isugu tooseen intii xukuumadani jirtay. Wuxuu wadaa ollole xoog ah, cadowgiisa siyaasadeed ee ugu wayni sida muuqata waa Muuse Biixi iyo ragga la olloga ah oo la rumaynayo inuu ka mid yahay Wasiir Maxamuud Xaashi oo laftiisu ka mid ah siyaasiyiin doonaysa inay u hadhaan xisbiga duuggiisa. Hase yeeshee waxa lays waydiinayaa, Wasiir muxuu doonayaa?, ma murashaxa madaxweynaha ayuu sida soo duushay u tartamayaa oo taasi waa dhab, mise wuxuu doonayaa gudoomiyaha xisbiga. Inkastoo labaduba yeedha yeedhaha soo duulay ka mid yihiin, haddana, weli ma kala cadda. Midda kale, waxa lays waydiinayaa, Wasiir Xirsi iyo Samaale xidhiidhkoodu ma sidii horraa mise isbedel baa jirra?. Weli ma kala cadda, lamana sheegin isbedel iyo kala tagsanaan dhexdooda ah, misana ollolaha Wasiir Xirsi wuxuu shabahayaa wax u gaar ah oo ka madax bannaan badhitaar cid kale. Dabcan, iskuday jawaabtiisu laalan tahay weeye, oo haddii ay u marto iyo haddii kale ku xidhnaan doonta. Hase ahaatee, Maxamed Biixi, Samaale oo labadooduba murashixiin ah iyo Wasiir Xirsi ayaa loo arkaa in duntoodu xidhantay, isla markaana Samaale iyo Xirsi uu midba dhan kaga xidhanyay Maxamed Biixi, taasoo isugu jiri karta xadhig xidhasho danneed iyo mid mabda,ba.”

Dhanka kale waxaan qarsoonayn legdan iyo isbeejin culus oo u dhaxaysa labada wasiir ee Maxamuud Xaashi iyo Xirsi Cali Xasan oo isku deegaan ka soo jeedda, isla markaana waxay labadooduba beegsanayaan sidii ay u noqon lahaayeen hormoodka siyaasadda beesha. Taa ka sokow waxay ku kala aragti duwan yihiin waxa hadda socda ee loollanka xisbiga dhexdiisa.

Arrimahaas oo dhan waxa loo arkaa inay yihiin qaar dhamaadkoodu ku xidhan yahay qabashada shirka golaha dhexe, kaasoo sida la rumaynayo ay madaxtooyadu doonayso inuu qabsoomo dhamaadka sanadka dambe.

Ogaal

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here