Puntland Oo Hakisay Baabuurtii Habeenkii Socota

0

Maamulka Puntland ayaa si kumeel gaar ah u mamnuucay baabuurta xilliga habeenkii ku safri jirtay halkaas kaddib markii roobabka mahiigaanka ay bubur u geysteen waddada weyn ee isku xirta Puntland iyo bartamaha Soomaaliya.

Taliyaha ciidammada waddooyinka ee Puntland, Axmed Cabdi Cali ayaa BBC u sheegay in si kumeel gaar ah loo hakiyay gaadiidkii xilliyada habeenkii isaga kala gooshi jiray halkaas.

“Waxaan u baajinay gaadidka in xilli kasta ay in waddada go’i karto oo gaadidka la go’i karta, waxaana halkaa ka imaan karaa khasaare nafeed iyo mid hantiyeed” ayuu yiri taliyaha ilaalada waddooyinka Puntland.

Axmed Cali waxaa uu sidoo kale sheegay in baabuurta loo fasaxi doono inay safraan xilliyada habeenkii tan iyo inta laga hubinayo amniga waddooyinka.

“Maalintii wuxuu arki karaa oo uu ka taxaddari karaa khatarta laakin habeenkii oo roobka da’a oo toggagu biyo keeni karaan, qofka ma arki karo meesha khartarta ah” ayuu yiri Axmed Cabdi.

Waxaa dalka Soomaaliya ka da’ay roobab mahiigaan ah oo iyo fatahaado horseeday in kumanaan qof ay guryahooda ka barakacaan, waxaana sidoo kale ay fatahaadaha burburiyeen waddooyinka muhiimka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here