Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo la filayo inuu Ku Biiro Tartanka Kulmiye Iyo Xidhiidhka Madaxweyne Silaanyo

0

Prof Axmed Ismaaciil Samatar, ayaa la sheegay inay u qorshaysan tahay inuu ka qayb galo tartanka xisbiga Kulmiye dhexdiisa ee loogu loollamayo jagada Musharaxnimada Madaxwaynaha, isla markaana waxa loo badinayaa in Prof Samatar xidhiidh la soo sameeyay Madaxweyne Siilaanyo kuna wargeliyay ku biiritaankiisa xisbiga Kulmiye.

Shabakada wararka ee Boramanews ayaa faafisay war sheegaya in masuul madaxtooyadda ku dhawdhawi u  xaqiijiyay,  in Madaxwayne Siilaanyo aanuu ahayn musharax, balse uu dhamaysan doono   mudda kordhinta Guurtidu u sameeyeen. Warkaa Boramanews faafisayna wuxuu u dhignaa sidan;

“Masuuliyiintan ayaa sheegay in Madaxwayne Siilaanyo uu xidhiidh la soo sameeyay Prof Samatar kuna wargaliyay inuu xisbiga ku soo biiro, isla markaana uu si rasmiya u shaaciyo damaciisa siyaasadeed ee Somaliland iyo ku biiritaanka Xisbiga Kulmiye.

Prof Samatar ayaa Siilaanyo u sheegay in xisbiga Kulmiye uu yahay ka bulshada Somaliland ku dhan tahay xisbi ahaana,  ku qancay wax ku tarkiisana uu ka shaqayn doono.

Madaxwayne Siilaanyo ayaa la sheegay in prof Samatar ay ku soo dhawaynayaan Xisbiga  Kulmiye wax wayna ka  taraysa dimuqraadiyada iyo tartanka doorashooyinka Somaliland, isla markaana tartanku u furan yahay muwaadinkasta.

Waxaan la ogayn sida musharaxnimada Prof Samatar uga shaqayn doonto xisbiga Kulmiye gudihiisa iyo in uu ku guulaysan doono xili xisbiga Kulmiye, ay ku loolamayaan Muuse Biixi iyo rag kale oo ku muransan cida dhaxli lahayd Siilaanyo, lamana oga in musharaxnimada Prof Axmed Samatar ku silban doonto oo loo rari doono jagada Madaxwayne ku xigeenka Somaliland.” Warkaa Boramanews ka sokow waxa jira tibaaxo kale oo la xidhiidha amuurtaa, kuwaasoo tusmaynaya, in Prof. Samatar ay isku xidhan yihiin mid ka mid ah murashixiinta isku haysta murashaxnimada madaxweynaha ee xisbiga kulmiye, isla markaana la saadaalinayo in uu murashaxa madaxweyne xigeenka u noqdo. Hase yeeshee ma jiraan warar madax banaan oo arrimahaa kala xaqiijiyay oo ka soo baxay dhinacyada ay khusayso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here