Police-ka oo ka hadlay toogasho ka dhacday magaalada Manchester

0
54

Police-ka magaalada manchester ee waqooyiga galbeed ee England, ayaa waxaa ay ka hadleen togasho ka dhacday subaxnimadii hore ee saaka taasi oo ay ku dhaawacmeen 10 ruux oo ay ku jiraan laba caruur ah.Ciidamada police-ka ayaa ku baxay magaalada Moss Side ooaheyd goobta uu falkan ka dhacay abaara 2.30 ee waqtiga maxaliga ah ee Uk.Dadka ku dhaawacmay toogashadan ayaa xaaladoodaay tahay mid wanaagsan iyadoo dhowaan laga saarayo isbitaalka marka laga reebo hal nin o xaaladiisa ay tahay mid halis ah.Laamaha amniga ayaa ilaa iyohada ka hadlin weerarkan cida ka danbeysay iyo in uu ahaa mid argagixiso iyo mid kale.Mas,uuliyiinta magaalada manchester ayaa dhankoda waxay sheegeen in weerarkan uu ahaa ficil aan wanaagsaneyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here