Ololaha CARMMA iyo Wakiilka Ololaha ee Jamhuuriyada Somaliland loo doortay sanadka.

0

Jamhuuriyada Somaliland ayaa kaalinteeda kaga biirtay daah-furka Ololaha CARMMA ee ujeedadiisu tahay hoos-udhiga dhimashada hooyada dhalaysa/dhashay iyo caruurta yaryar iyo guud ahaan tayeeynta caafimaadka hooyada iyo dhalaanka si markaas dar-dar loo geliyo ololaha oo wax lagaga bedelaayo dhimashada hooyada iyo dhalaanka oo war-bixinteedu sheegayso mudadii 2011-kii ilaa 2013-kii in lagu qiyaasay 100.000 oo dhalasho ay geeryoodaan 850 ka mid ahi (WHO UNFPA and UNICEF).

Displaying DSC_0003.JPG

Ololahan CARMMA ayaa ah mid ay isku bahaysteen wadamada Afrika si dar-dar loo geliyo hoos udhiga dhimashada hooyada xaamilada ah ama tan dhashay iyo caruurta yaryar oo markaa lagu wado in hoos loo dhigo boqolkiiba shan iyo todobaatan sanadka 2015 iyadoo markaa la waafaqsiinaayo rajadan ta hiigsiga loo yaqaan Millennium Development goal  4 iyo 5.

Displaying DSC_0005.JPG

Ololaha CARMMA  waxa si rasmi ah loo daah furay 7dii bishii may ee sanadkii 2009 iyadoo lagu daah furay  kulankii afraad ee wasiirada caafimaadka uga furmay shirkii isu taga wadama afrika (AU) uga qabsoomay magaalada Adis-ababa.

Displaying DSC_0006.JPG

ujeedada kulankaasi lagu daah furay ololaha CARMMA ayaa ahaa mid lagu hirgelinaayo qorshihii ma Maputo ee dhaqan gelinta hoos u dhigida dhimashada hooyada iyo dhalaanka reer afrika. qorshahan oo ahaa mid ay ansixiyeen wasiirada caafimaadka dalalka afrika ee kulankoodu ka qabsoomay dalka Mozambique bishii September ee sanadkii 2006.

Displaying DSC_0008.JPG

19 kii bishii September ee sanadkii 2014kii ayaa huteelka maansoor lagu soo bandhigay ololaha CARMMA iyo kaalinta ay jamhuuriyada Somaliland ka qaadanayso goobtaas oo ay ka soo qaybgaleen in ka badan 500 oo qof kana socday dalka gudihiisa iyo dibadiisaba.

Displaying DSC_0012.JPG

waxaa marti-sharaf ka ahayd  bandhigaas ama daah furkaasi marwada koowaad ee jamhuuriyada Somaliland Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde, marwada ayaa markaasi khudbadeedii ku muujisay kaalinta ay xukuumadu ka qaadanayso ololahan iyo sida ay uga dhabtahay inay ololahan ka midho dhaliyaan.

Displaying DSC_0016.JPG

Ololaha CARRMA ayaa xooga saaraya afartan qodob

  1. Xoojinta hawlaha joogtada ah ee lagu tayeynaayo daryeelka caafimaadka hooyada iyi dhalaanka somaliland
  2. Soo saarista iyo isticmaalka warbixinta caafimaadka guud, da’yarta, hooyada, dhalaanka yaryar, iyo caruurta oo markaa fiiro gaara la siinaayo, dhimashada hooyada xaamilada ah/dhalaysa iyo dhalaanka yar yar, caafimaadka iyo xuquuqda da’yarta, la dagaalanka tacadiyada sababi kara caafimaad daro.Displaying DSC_0018.JPGDisplaying DSC_0023.JPGDisplaying DSC_0024.JPGDisplaying DSC_0025.JPGDisplaying DSC_0028.JPGDisplaying DSC_0032.JPGDisplaying DSC_0034.JPGDisplaying DSC_0035.JPGDisplaying DSC_0039.JPGDisplaying DSC_0040.JPGDisplaying DSC_0045.JPGDisplaying DSC_0046.JPGDisplaying DSC_0048.JPGDisplaying DSC_0052.JPGDisplaying DSC_0055.JPGDisplaying DSC_0056.JPGDisplaying DSC_0057.JPGDisplaying DSC_0060.JPGDisplaying DSC_0061.JPGDisplaying DSC_0063.JPGDisplaying DSC_0077.JPGDisplaying DSC_0080.JPGDisplaying DSC_0084.JPGDisplaying DSC_0086.JPGDisplaying DSC_0087.JPGDisplaying DSC_0089.JPGDisplaying DSC_0092.JPGDisplaying DSC_0109.JPGDisplaying DSC_0113.JPGDisplaying DSC_0116.JPGDisplaying DSC_0120.JPGDisplaying DSC_0122.JPGDisplaying DSC_0127.JPGDisplaying DSC_0129.JPGDisplaying DSC_0130.JPGDisplaying DSC_0133.JPGDisplaying DSC_0137.JPGDisplaying DSC_0145.JPGDisplaying DSC_0157.JPGDisplaying DSC_0159.JPGDisplaying DSC_0163.JPG
  3.  u ololaynta taageerada daryeelka caafimaadka ee hooyada iyo dhalaanka yaryar oo laga dhex ololaynayo daneeyayaasha sida xukuumada tiiyoo la dareensiinaayo in qofkastaa door ku leeyahay inuu buuxiyo daryeelka caafimaadka iyo hoos-udhiga dhimashada hooyada iyo dhalaanka yaryar
  4. dardar gelinta hawlaha hoos lagu dhigaayo dhimashada hooyada xaamilada ah ama dhashay iyo dhalaanka yaryar iyo caruurta

wakiilka ololaha CARMMA ee Jamhuuriyada Somaliland Marwada koowaad ee Jamhuuriyada Somaliland ayaa UNFPA u xilsaartay wakiilnimada ololaha CARMMA.

Ololahan waxa gadhwadeen ama wakiilo ka noqday haweenka door ka mudan kagana jira bulshooyinkooda sida marwooyinka koowaad ama haweenka wasiirada ah.

Marwada ayaa doorka ay ku leedahay oloalahani yahay mid dhiirigelinaaya dhinaca siyaasada xukuumada ee arrimaha hooyada iyo dhalaanka, dhinaca xeerka iyo xuquuqda hooyada iyo dhalaanka, iyo gebi ahaanba tayeynta iyo daryeelka arrimaha haweenka iyo caruurta.

Wa bilaahi tawfiiq

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here