Ogeysiiskii ahaa “ku soo dhowoow 1991. Sannad xun!”

0

Ka dib burburkii Soomaaliya, sannadkii 1991, waxaa rajo beel uu ku dhacay dad badan oo dalka ku sugnaa. Waxaa ka mid ahaa ardeydii jaamacadaha, gaar ahaan kuwii awoodi waayay in ay dhammeystirtaan waxbarashadooda.

Qaarkood waxay marayeen sannadkii ugu dambeeyay, kuwana qalin-jebinta ayey ku dhowaayeen, balse taas uma aysan suuragalin.

Waxaa jiro ardey xilligaas wixii ay baranayeen aanan sii wadanin oo maadooyiin kale iska bartay iyo kuwa aan weli dhameystiranin waxbarashada.

Eng. Maxamuud Jimcaale, wuxuu dhiganayay kulliyaddii caafimaadka ee Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed, balse burburkii ayaa ku dhacay, wuxuuna ku qasbanaaday in uu maadooyiin kale iska barto.

Sheekada Eng. Maxamuud Jimcaale uu ka qoray taariikhdaas

Waa billowgii bishii Jannaayo ee 1991. Waxaan dhiganayay kulliyaddii caafimaadka ee Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed.

Waxaa ii dhammaday semisterkii koobaad iyo hal sano oo diyaaris ah (propedeutica), waxaana ku riyoonayay in aan 5 sano ka dib noqdo dhakhtar guuleystay, balse taa ma noqonin riyo rumowday!

Waxaa Muqdisho ka socdo dagaalkii ay ku burburtay dowladdii dhexe. Saacaddii dagaalku billaabanayay waxaan joogay xafladda qalinjebinta ee dufcaddii ugu dambaysay ee kulliyaddaas ka dhammaysay jaamacadda Umadda.

Waxaa maalintaas qalinjebiyay dhakhaatiir hadda dalka caan ka ah oo aan ka xasuusto Dr. Tahliil Cabdi Afrax, Agaasimaha isbitaalka Shaafi iyo Dr. Mina Xasan Shibis, Agaasimihii hore ee Isbitaalka Keysanay, oo hadda ah xildhibaanad ka tirsan Golaha Shacabka.

Waxaan degganaa guryaha ardayda kulliyadda caafimaadka oo ku yaallay dhabarka dambe ee isbitaalka Digfeer. Waxaanan xasuustayda ka go’in warqad hambalyo ahayd oo ku dhegganayd makhaayad ku taallay iridda isbitaalka Digfeer, oo ay ku qorneyd “Ku soo dhowoow 1991. Sannad xun!”

Dagaalkii ayaa nagu soo dhowaaday. Xaafaddeydii Siinaay waxaa la ii sheegay in aan cidna ku harin. Taleefoon ma jirin, khibradna looma lahayn qax iyo dagaal.

Waxaan go’aansaday in aan sii joogo deegaanka ardayda jaamacadda inta xaaladdu ka xasilayso, ka dibna aan reerkii baadigoobo.

Dhismaha jaamacadda Umadda Soomaaliyeed oo dayactir lagu sameeyay ka dib markii ay ku burburtay dagaalladii sokeeye.

XIGASHADA SAWIRKA,JAAMACADDA UMADDA

Qoraalka sawirka,Dhismaha jaamacadda Umadda Soomaaliyeed oo dayactir lagu sameeyay ka dib markii ay ku burburtay dagaalladii sokeeye.

Maalintii dambe waxaa agteenna ku soo dhacay madfac i cabsigeliyay. Halhaleel ayaan u qaatay wixii gacanteydu qabatay, alaabteydii badankeedana waa ka tegay, wixii aan qaatayna dhex ayay iiga sii kala lumeen.

Waxaa ii bilowday socdaal hubanti la’aan ah. Waxaan u talaabay xaafadda Madiina oo markaas xaalkeedu yara degganaa.

Reerkeygii meel kuma sheego, lacagna ma haysto. Waxaan tegay guriga reer aan qaraabo nahay oo iyagiina isu diyaarinayay in ay qaxaan.

Subaxdii dambe waxaan tegay guriga saaxiibkey, Cumar Maxamuud Maxamed Filish, oo hadda ah Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, oo aan 8 sano isku fasal ahayn, Dugsigii Dhexe iyo Sare. Waxaa aad ii maamuustay, quraacna noo samaysay hooyadiis, Alle ha u naxariisto.

Raadiyo Muqdisho oo dowladdu maamulaysay ayaan ka maqlay in xabbad-joojin lugu dhawaaqay.

Ka dib waxaan go’aansaday in aan reerkeygii baadigoobo. Markaan suuqa weyn ee Madiina soo dhaafay oo dagaalkiina sii xoogeystay, waxaa iga horyimid laba wiil oo aan isku fasal ahayn. Waa Axmed Siciid Muuse (Axmed-Barre), oo hadda ah duqa magaalada Garoowe iyo Bashiir Colaad (meel kuma ogi). Waxay ii soo jeediyeen in aan aadno dhanka Afgooye.

Halkaas ayaan ka wada lugeynay. Qoraal kuma soo koobi karo rafaadkii ka muuqday shacabkii jidkaas ku firxanayay.

Jaamacadda Umadda ayaa dib loo furay oo hadda ay dhigtaan ardey.

XIGASHADA SAWIRKA,JAAMACADDA UMADDA

Qoraalka sawirka,Jaamacadda Umadda ayaa dib loo furay oo hadda ay dhigtaan ardey.

Markaan ku sii dhownahay Lafoole waxaa naga horyimid Cabdi Cali Xasan (Cabdi-Miis) oo ahaa nin aan qaraabo nahay oo ka shaqeyn jiray kulliyaddii waxbarashada Lafoole. Wuxuu na geeyay gurigiisa oo ay si sharaf leh noogu martisoortay xaaskiisa Bintow xaaji Cali.

Markaan qadaynay waxay labadeydii saaxiib ii sheegeen in ay sii soconayaan. Halkii ayaan isku macasalaameynay.

Maalinkaas waxaan nasiib u yeeshay in aan masjidka weyn ee Lafoole ka dhegeysto cashar uu akhrinayay caalimkii weynaa Sh. Shariif Cabdinuur. Wuxuu ka digay kuna celceliyay in bililqadu xaaraan tahay. Waa markii iigu horreysay ee aan bililiqo maqlo.

Waxaa aad ii murjinayay in aanan ka war heynin reerkeygii. Maalmo ka dib waxaan is aragnay saaxiibkey Eng. Cismaan Macallin Xasan oo ii sheegay in reerkeennii nabad qabaan, una qaxeen degmada Kaaraan.

Waxaan ku tashannay in aan Afgooye tagno ka dibna aan lug ku aadno Balcad, si aan Muqdisho dhinaca kale uga soo galno. Sahay ma sidanin.

Markaan saacado badan lugaynaynay ayaan la dhaqaaqi waayay daal iyo harraad, cagihiina biyo ayaa iga galay! Waxaan maalinkaas cabnay biyo calaw ah oo lo’ cabaysay! Casirkii ayaan tagnay magaalada Basra oo dhow Balcad oo uu nagu soo dhaweeyay Cabdulle Tubbo oo beero ku lahaa.

Subaxdii ayaan u soo lugeynay Balcad oo aan bas ka raacnay. Waxaan is helnay reerkaygii. Waxaana ogaaday in hooyadeey Xabiibo Sh. Cali Alle ha u naxariistee ay maalin kasta i soo raadin jirtay intii ay dagaalladu socdeen, khatar kastana ay dartay ugu bareeri jirtay.

Maalin ka dib waxaan u qaxnay tuulada Budbud ee gobolka Galguuud oo aan ku dhashay. Markay dadku BBC ka maqleen in dowladdii dhacday way dabbaaldegeen. Malaha waxay u haysteen in dowlad kale dhalan doonto, xaalkuna caadi ku noqon doono.

Gaarigii ugu horreeyay ee Xamar nooga yimid wuxuu noo keenay war aan fiicnayn! Waxaa noo warramay nin kaari ahaa oo la dhihi jirey Cabdi Fardane, wuxuuna warkii noogu soo koobay “Xamar Siyaad Barre in uu joogaa rooneyd”. Wuxuuna noo sheegay in dagaalkii sii laba kacleeyay.

Eng. Maxamuud Jimcaale

XIGASHADA SAWIRKA,ENG. MAXAMUUD JIMCAALE

Waxaan Muqdisho ku soo laabtay bil ka dib. Markaan xaafaddeenna imid waxay ishaydu qabatay wiil yar oo qori Thomson ah oo marna juqeynaya, marna xabbad kor u ridaya!

Maalin ka dib waxaan aniga iyo saaxiibbadey isu raacnay in aan kulliyaddii soo fiirinno. Waxaan soo galnay xafiiskii keydka dokumiintiyada oo oo uusan hal shey dhex oollin, marka laga reebo waraaqo tira yar oo dhulka daadsanaa!

Waxay isheydu qabatay warqad aqoonsi oo uu lahaa Aadan Jaamac Obsiiye oo aan isku fasal ahayn. Aqoosnigii illaa iyo hadda xaafaddeyda ayuu yaallaa, wiilkii lahaana meel kuma ogi.

Waxaan aadnay guryihii jiifka ardayda. Waxaan tegnay buugaagteenni oo bannaanka dhooban! Weli waxaa xaafaddeyda yaalla halkii buug ee aan maalintaas soo helay (BIOSTATISCA), feylkeygii oo dad i yaqaannay ay jaamacadda ka dhex qaadeen, aqoonsigii Obsiiye iyo aqoonsigeygii ardaynnimo ee jaamacadda oo ahaa sheyga kaliya ee aan iga lumin intii aan qaxayay!

Dadka xusuusta gaarka ah igu reebay waxaa ka mid ah Dr. Mursal Cali Barre oo aan si gaar ah saaxiib u ahayn, ina dhaqaalayn jirey.

Waxaan xasuusta maalin annagoo gadood ka ah macallin maaddo noo dhigayay oo codsanayna in hal semester dib loo dhigo, ayuu inta gacanta iga qabtay, oo geeska iila baxay wuxuu igu yiri “Ninyohow maxaa kaa khaldan? Annaguna waxaan ka baqeynaa in semesterka dambe ay dadku Kenya iyo Itoobiya qaxooti ku noqdaan, adna waxaad leedahay maaddo dib ha noogula dhigo!”.

Eng. Maxamuud Jimcaale oo dhallinyaro ah, xilligii uu dhiganayay Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed

XIGASHADA SAWIRKA,ENG. MAXAMUUD JIMCAALE

Qoraalka sawirka,Eng. Maxamuud Jimcaale oo dhallinyaro ah, xilligii uu dhiganayay Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed

Waxaa maskaxdayda ka go’i waayay aragti-dheeridiisa iyo siduu xaqiiqada u fahamsanaa, annaguna aan uga dhug la’ayn.

Runtiis ayay noqotay oo wixii uu saadaliyay ayaa dhacay, waagaas ayaana iigu dambaysay. Waxaan maqlay in uu hadda dhaqtar ka yahay magaalada Boosaaso. Waxaa maalintaas talo taas la mid ah na siiyay Cabdullahi Axmed Nuur oo hadda ka mid ah maamulka xawaaladda Bakaal.

Markaan ag marayo dhismihii hore ee kulliyadda caafimaadka (ka soo horjeedka Isbitaalka Digfeer), waxaan soo xasuustaa ikhyaartii qiimaha badnayd ee aan walaalaha wada dhashay isu ahayn, oo aanan badankood maanta nolol iyo geeri ku ogeyn.

Waxaa xiiso gaar ah iyo hilow iqa qabtaa markaan ag marayo meel aan habeenkii wax ku akhrisan jirnay oo la dhihi jirey ‘KATAANGA’ oo ahayd barxad nalal lugu dhejiyay.

Waxay laheyd xiiso iyo xaraarad gooni ah, oo ardaygii Kataanga laga waayo looma ari kirin in dadaalku dhab ka yahay. Waxaan soo ag maraa guryihii ardayda iyo fasalladeennii oo dad shacab ah yeesheen.

Meeshii aan ku riyoonayay 5 sano ka dib in aan noqdo dhakhtar guulaysta, waxaa nolol adag iyo harjad dheer ka dib meel iiga soo baxay luqadaha Carabiga iyo Ingiriiska oo aan yaraanteydii jeclaa, iyo aaladda Teebka (typewriter) oo aan ka bartay machadkii ‘VELOX’ ee Xamarweyne.

Sannado badan ka dib waxay dantu igu qasabtay in aan beddelo takhasuskii aan jeclaa ee caafimaadka, waxaana waqtigu ii jiheeyay cilmiga Kumbiyuutarka oo aan hadda PhD uga diyaarinayo dalka Malaysiya.

Waxaas oo jab ah markaan soo xasuusto waxaa igu soo dhaca qeyb ka mid ah gabay aan ku qaadannay suugaantii Dugsiga Sare:

“Dagaalkii jidbaallaba ninkii joogay baan ahaye,

Weligeyba meel lagu jabaan jiqilla weynaaye”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here