Ogaalka Soomaalida Iyo Hanaanka Awoodaha Dacwad Qaadista Maxakamada ICJ

0

Maxkamadda Caddaaladda Aduunka (ICJ) oo mararka qaarkood loogu yeero Maxkamadda Adduunka, waa mid ka mid ah lixda qeybood ee ugu waaweyn ee Qaramada Midoobay (UN). Waxa ay xallisaa khilaafaadka u dhexeeya dawladdaha, waxa ayna talo sharciyeed ka bixisaa arrimaha sharuucda caalamiga ah, iyada oo u gudbisa Qaramada Midoobay (UN). Fikradaheeda iyo xukunadeedu waa isha lagala soo baxo sharuucda caalamiga ah (Sources of international law).
Maxakamadda Caddaaladda Aduunka (ICJ) waxa ay bedeshay maxkamaddii lagu magacaabi jiray “Maxkamadda Joogtada ah ee Caddaaladda Aduunka” (PCIJ) taasi oo la aasaasay 1900, waxayna hawl-gashay 1902. PCIJ waxa la horkeenay kiisas dhowr ah oo heer caalami ah, kuwaas oo ay xal ka gaadhay, balse hawlaheedii waxa ku yimi hoos u dhacyo. Sabatuna waxa ay aheeyd, xiisadaha caalamiga ah oo sii kordhayay wakhtigaas. isqabqabsigii dunida soo maray iyo soo jeedino ka imaanayay qaar kimid ah dalalka dunida ayaa ugu danbeyn sababay; in hanaanki shaqo ee PCIJ wax ka bedal lagu sameeyo, laguna bedelo Maxkamadda Caddaaladda Adduunka (ICJ), taasi oo lagu aasaasay magaalada San Francisco Juun 26, 1945.
ICJ waxa ay leedahay golle ka kooban 15 garsoore. Gorsoorayaasha waxa soo doorta Golaha Guud (General Assembly) iyo Golaha Amaanka (Security Council), waxa anay leeyihiin muddo-xileed sagaal sano ah. Maxkamaddu waxa ay ku taalaa Qasriga Nabadda ee ku yaal magaalada Hague, Netherlands. Waana hay’adda kaliya ee Qaramada Midoobay ee aan ku oolin magaalada New York. Afafka rasmiga ah ee shaqada maxkamaddu waa Ingiriis iyo Faransiis. Kiiskii u horeeyay waxa loo soo gudbiyey bishii May 1947. Dacwadaasi waxa ay ku saabsaneeyd dhacdooyin ka dhacay Corfu Channel, waxana keenay Boqortooyada Ingiriiska, wuxuna ka dacwoonayay Albania.
Marka aynu eegno awoodah fulinta ICJ; sida uu qabo qodobka 94-aad ee sharciga ICJ waxa uu qeexayaa, “in ay waajib ku tahay dhamaan dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay (UN) in ay u hogaansamaan go’aanada maxakamadda ee iyaga quseeya. Haddii dhinacyadu aysan u hogaansamin go’aanada, waxa arinta la hoosgeynayaa Golaha Amaanka (Security Council), si loo dhaqangaliyo.” Dhinaca-kale, dhibaatooyinka muuqda ee jira ayaa ah, haddii uu dhaco xukun ka soo horjeeda mid ka mid ah shanta xubnood ee joogtada ka ah Golaha Amaanka ama xulafadiisa, waxa adag hirgallinta xukanka. Tusaale: kiiskii Nicaragua ee u dhexeeyay Jamhuuriyadda Nicaragua iyo Mareykanka (1986) kaasi oo ku saabsanaa in Mareykanku ku xadgudbay sharciga caalamiga ah kolkii uu taageeray kacdoonkii Contra ee looga soo horjeeday shuuciyadda, xukunki ay maxkamaddu ka gaadhay kiiska ee ahaa in uu Mareykanku magdhow bixiyo, Mareykanku waa uu diiday in uu adeeco xukunka maxkamadda isagoo ku andacooday in aanayba Maxkamadda Caddaaladda Aduunku awood u lahayn dhageysiga kiiska, waxa uu sidoo-kale is hor-istaag ka sameeyay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay, sidaas darteena Nicaragua ayaa halkaasi ku weysay magdhawgii maxakamaddu u xukuntay, ugu danbeyntiina Nicaragua waa ay kala noqotay kiiskeeda maxkamadda bishii Sebteember 1992 kadib marki la laalay sharcigii dalkaasi magdhowga ku dalbanayay.
Haddii Gollaha Amaanku meel marin waayo kiisas horay loo horgeeyay, waxa ay sababeysaa in aan la qasbi karin dalalka kale. Inkaste oo Cutubka 7aad ee Axdiga Qaramada Midoobay qeexayo in si qasab ah lagu meelmarinayo xukunka maxkamadda, haddii ay muuqato in nabadda iyo nabadgalyada dunidu qatar galeyso. Laakiin tani waa mid aan Gollehu wali horay u sameyn.
ICJ waxa la siiyay awood ay ku sameeysato xeerarkeeda. Qaabka maxakamadda waxa lagu qeexay xeerka Maxkamadda ee soo baxay 1978 kaasi oo wax-kabedel lagu sameeyay 29kii Sebtember 2005. Kiisaska la horkeeno maxkamadda waxa la mariyaa jaangooyin iyo habraac qeexan, kaasi oo ka bilaabmaya in jihada dacwadda gudbineysa ay keento galka ay ku codsaneyso dacwadda, kuna qeexayso mudnaanta sheegashadeeda, intaa kadib waxa la sugayaa in kiisku u gudbo jihada jawaabaysa, si ay u aqbasho in kiisku maxkamaddu furto. Haddii jihada ka jawaabaysa dacwadda ay la timaado diidmo, waa in ay la timaado diidmo hordhac ah. Diidmo kaste oo nuucan ah kale ah, waxa ka dhalaneysa in maxkamaddu soo gudbiso mudnaanta codsiga ee codsadaha iyadoo inta badana la sameeyo dhageysi dadweyne (Public hearing), si loo cadeeyo in maxkamaddu xaq u yeelan karto dhageysiga kiiska iyo in kale amaba kiisku yahay muran la aqbali karo.
Diidmo ayay u dhigmeysaa haddii dhammaan dhinacyada lama huraanka u ah dhageysiga dacwaddu aanay maxkamadda horteeda joogin. Sidaa-awgeed, maxkamaddu ma gudbin kareyso xukunka, haddii ay u muuqato in dhinaca dacwadda ka maqan aanu aqbaleyn xukunka maxkamadda, isaga oo goobta dacwadda ka maqan, haddii xukun la soo saaro.
Maxkamaddu waxa ay awood u leedahay in ay dhexdhexaadiso kaliya muranada, haddii dawladdaha ay khusayso waafaqaan mid ama in ka badan siyaabahan soo socda:
In ay soo gudbiyaan, heshiis ay ku mideysanyihiin iskuna waafaqeen dawladdaha muranku ka dhaxeeyo.
Marka dawladduhu galaan heshiis. Heshiiskaasna uu ka yimaado khilaaf ama is-afgaranwaa xaga turjumaadda ama fulinta heshiiska ah, dadeed, mid ka mid ah ayaa u gudbin kara dacwadda maxkamadda.
Dawladduhu kuma laha wakiilo rasmi ah oo loo aqoonsan yahay Maxkamadda. Waxay sida caadiga ah la xiriiraan diiwaan-hayaha, iyaga oo u sii maraya Wasiirka Arimaha Dibedda ama Safiirkooda u fadhiya Netherland. Maxkamadda horteedana waxa ku matalaya wakiil.
Haddii aynu milicsano taariikhaha dhaw iyo marxaladihi uu soo maray kiiska muranka badda ee u dhexeeya dawladdaha Soomaaliya iyo Kiiniya; dawladda Kiiniya ayaa bishii March 1996, Qaramada Midoobay u gudbisay qariirad ay ku muujineyso xuduudeeda aaga dhaqaalaha ee badda, sidoo kale, bishii June 2005 Kiiniya waxa ay mar kale go’aan madaxweyne ku xaqiijisay xuduudeeda badda iyadoo xiligaasi xariiqa badda ka dhigtay meshi ay xiligan ku doodeyso in uu marayo, waxa ay sidoo kale marlabaad isla go’aankan ku muujisay aageeda dhaqaalaha ee badda. Bishii Oktoober 2008 ergaygii Qaramada Midoobay Axmed Walad Cabdalla ayaa dawladda Soomaliya garab ka siiyay diyaarinta xogta ay u baahantahay, si iyaduna dhinaceeda xogta ugu gudbiso Qaramadda midoobay.

Bishii April 2009, Soomaaliya iyo Kiiniya waxa ay kala saxeexdeen is-afgarad (Memory of Understanding) aan la cadeyn, sidoo kalana aan dhameystirneyn. Waxa intaa dheer, in Kenya June, 2009-kii ay Qaramada Midoobay uga diiwaangelisay is-afgaradkii in uu yahay heshiis caalami ah. Dhinaca-kalena, Baarlamaanka Soomaaliya ayaa August, 2009 cod ku diiday is-afgaradka ay kala saxiixdeen Kiinya iyo Soomaaliya.
Sida uu sheegay Cabdiraxmaan Xaaji Aden (Ibbi) oo xiligaa ahaa wasiirkii Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee dawladdii ku meel-gaarka ahayd kana mid ahaa wasiiradii gacanta ku hayay diyaarinta xogta xuduuda dhinaca badda ee Soomaaliya “is-afgaradku kaliya wuxu ku saabsanaa in labada dowladdood ay si iskood ah uga raadsadaan lahaanshiyahooda Qaramadda midoobay iyo in aanay jirin waxa intaa dhaafsiisan oo wadahadal ah oo ay yeesheen labadda dowladood. Sidoo kalena, dawladda Soomaaliya waxa ay ka war heshay in Kenya ay qortay warqad iyada u gaar ah una gudbisay Qaramada Midoobay, iyada oo sheeganaysa in Is-afgaradku yahay heshiis caalami ah. Halkaa ayuu ka bilawday baraaruga dawladda Soomaaliya ee arinta baddu, oo ay Iyana dhankeeda u qortay Qaramada Midoobay warqad ay ku sheegeyso in ay dood ka qabto waxyaabaha ay Kiiniya sheeganayso ee ay Qaramada Midoobay u gudbisay. Markaas ayeeyna Somaliya dalbatay in nidaam cad oo ku saleysan xeerarka caalamiga ah loo maro arimaha u dhexeeyo labada dawladdood”.
28 Aguest 2014, ayeey Somaliya xareeysay dacwadda, kadib markii wadahadaladii u dhexeeyay labada dhinac ay guuldareysteen. Kenya ayaa iyaduna dhankeeda aaminsaneyd in wadahadaladu aanay guuldareysan, kiiskana u baahneyn in la horgeeyo Maxkamadda Cadaaladda Aduunka. Dhinaca kale, Dawladdii Soomaaliya xiligaa ka ariminaysay ayaa ka biyo-diiday dooda Kenya ee arinka xuduuda badda. Doodda Soomaaliya ee xuduudka badda Waxa si rasmi ah loogu gudbiyay Maxkamadda ICJ 13 July 2015. Kenya ayaa markaas kadib diidmo ka keentay in maxkamaddu ay dacwaddan qaadi karto, waxanay diidmadeeda rasmi ahaan u gudbisay 7 October 2015. Intaa kadib, February 2017 maxkamaddu waxay laashay doodi Kenya ee ahayd in aysan maxkamaddu awood u lahayn qaadista dacwadda, dabadeedna waxa ay mudaysay maxkamadda oo ay kadhigtay inta u dhexeysa 9 – 13 September 2019.
Dhul-badeedka lagu muransanyahay ayaa lagu sheegay in uu leegyahay 100,000 KM2, oo ku yaala Badweynta Hindiya, waxana la aaminsanyahay in ay ku jiraan kheyraad farabadan oo shidaal ah. Mowqifka Soomaaliya ee xuduudka baddu wuxu ku saleeysanyahay, xagal toosan oo waafaqsan xuduudka dhulka, iyada oo la raacaayo Mabda’a Sinaanta (Equidistance Principle), mabda’aas oo ay aqoonsantahay Hey’adda Baddaha ee Qaramada Midoobay iyo dawladdaha caalamkuba, waana mid ay wadamo badan ku xaliyeen muran u dhaxeeyay. Dhanka kale Kenya ayaa iyaduna ku doodeysa in xuduudka baddeedu uu ka duwanyahay hanaanka ay Soomaaliya sheegayso, waxayna dooneysa in la isticmaalo xariijin toosan (Parallel Line), iyada oo la baalmarayo gabi ahaan shuruucda baddaha ee ay dunidu ku heshiisay.
Haddaba, waxa halkaa ku cad dooda liidata ee ay dawladda Kenya wadato iyo in ay dooneyso in ay ka meermeerto dacwadda, waxaanay ogtahay in kiiska looga guuleysanayo marka la isticmaalo shuruucda caalamiga ee dunidu heshiiska ku tahay ee lagu ilaalainayo nabadda iyo nabadgelyada caalamka, waxaana arinta cadeyn u ah sidda ay markaste u dalbanysoo in kiiska lagu xaliyo si gaar ah (Special Case).
Iyada oo ay arimahaa oo dhan jiraan, haddana waxa markii seddexaad dib loo dhigay dhageysiga dacwadda, iyada oo lagu waday in dacwadda la dhageeysto 8 – 12 June 2020. Waxana qasab ah, mar walba oo uu dhinac kamid ah dhinacyadda dacwaddu u dhaxeyso la yimaado dood maangal ah oo uu ku dalbanayo dib u dhigis, in dacwadda dib loo dhigo. Kenya ayaa ku andacootay in musiibada cudurka COVID19 ay saameyn ku yeelatay miisaaniyaddii iyo dakhligii ay ugu talagashay kiiska dacwadda muranka badda, halka dawladda Soomaaliya ay dalbatay in aan dib-u-dhac kale ku iman dhageysiga maxkamadda, iyadoo sameysay wax walo oo karaankeeda ah. Balse, qiilka Kenya ay la timi oo ah sabab maangal ayaa keenay in kiiska mar seddexaad dib loo dhigo, ilaa March 15 2021.
Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah, “Kenya xaq ma u yeelaneysaa in codsigeeda la tixgeliyo seddex mar?” Sida aan horay u xusnay, haddii dhinac kamid ah dhinacyada dooddu u dhexeyso ka maqanyahay goobta dhageysiga, maxkamadduna maleyneyso in xukunka aanu aqbaleyn dhinaca ka maqan dhageysiga dacwadda, maxkamadda suurgal uma ahan in ay kiiska xukunkiisa ku dhawaaqdo, sidaas awgeed waxay maxkamaddu ku qasbantahay in ay dhageysato asbaab kaste oo maangal ah, taasi oo ka timaada dhinacyadda dacwaddu u dhaxeyso.
Ugu danbeyn inaga oo ku xisaabtamayna awooddaha maxkamadda, sidoo-kalena eegayna xaaladda uu dalkeena ku jiro, waxa an soo jeedinayaa;
In kiiska badda aan loo adeegsan dano siyaasadeed mucaarad iyo muxaafadba.
In xukuumadda xilka heysa aan cadaadis lagu saarin dacwadda kiiskan.
In xukuumadihii hore ilduufyadooda looga faa’idaysan dhaliil. Waayo, arinka kiiska baddu waxa uu taabanayaa jiritaanka qaranimada Soomaaliyeed oo haatan u baahan hiil iyo tabantaabyo.
In xukuumaddu qorsheyso hanaan kiiska dacwadda ka ilaalinay saameynta xiliga kala guurka ee dacwaddu ku beegmeyso, lana sameeyo guddi ka kooban wasiiro oo la shaqeeya qareenadda iyo guddiga howsha wada si aanu firaaq u iman.
Mohamed Daahir Aweis
Master of International Relations & Diplomacy

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here