Odhaahda Maanta (Talk of the Town).. Faysal Rooble

0

Odhaahda Maanta (Talk of the Town)

Qaybtii 2aad: Xuska Karaamardha iyo Xaalufka Deegaanka: Maxaa Talo Ah?

Xoog ayey Soomaalidu uga hortimid isku dayga ay Xabashidu ku doonayso in ay ku badasho taariikhda Soomaalida ee ku aadan Buurta Kaaraamardha – in la Axmaaro Soomaali wey diiday.

Dadweynaha iyo Dawlad Deegaanka Soomaalidu midna ma ogola. Waxa Wargeysyada Xabashidu ee Walata faafiyeen oo xad-gudug ku ah xaquuqda Soomaalida ayaa ku soo boodo noqotay. Dad badan ayaa isweydiinaya in madax xafiidseedka Isgaadhiinta iyo wargeysyada SRS arintani ka war qabeen iyo in kale.

Sikastaba ha ahaatee, warka Walta waxa uu minji xaabin ku samayn rabaan daganaanshaha iyo nabada SRS. In dadka iyo Dawlad Deegaankuna isku dhacaan oo laga fa’iidaysto tolow miyaa laga rabaa?

Ujeedakastiba ha jirto, waxa haboon in Odayaasha, wax garadka, iyo xisbiyada deegaanku ayagu arinta ka hadlaan. Waa in wax ka badalka fakirka ah in Axamaro iyo ciidamadii Dergi looga dabaal dago goobtan Kara Mardha aan lagu dayn Dawlad Deegaanka.

Dagaalka Karamardha ku saabsan waxa looga bixi karaa oo kaliya in buurtan siday tahay loo dhaafo.

Talo: Karamardha waa in laga ilaaliyo dhismayaal iyo meelo dalxiiska ama tuuristuhu ku faakahaysto. Hadii kalse, waxa xigi doona xaaluf iyo deegaan xayuub laga dhaxlo. Buurta kaaraamardh waa goobta kaliya ee weli laga helo dhir dabeeci ah nawaaxiga jigjiga. Xiliyo libaax gali jiray ayaan fogeyn.

(Karamardha is one of the rare and disappearing natural preserves and environmental resources worthy of protection and conservation).

Hadii hotelo iyo mushtar laga dhiso, ogow nabaad guur ayaa iman. Jigjiga dhul balaadhan oo sadexda daraf ee kala ka xiga (bari, koonfur, iyo Woqooyi) ayaa lagu maareyn karaa dalagyada dalxiiska. Qaniga deegaanka iyo bilicda buurta cagaarka ah ma haboona in lagu doorsado dollaro beri dhamaan doona.

Fakirka faqiirka ah ee R/W Abiy wato ee ah dhaqaalaha Itoobiya waxaan ku horu marinaya sektorka ama waaxda dalxiis ama tourism, waxa ka dambeyn doona baaba’, nabaad guur, iyo xaaluf deegaan.

Xili magaalooyinka dalku kala xidhanyihiin ayaa dhaqaalaha dalkan kacsan ku kabayaa dalxiis (tourism) waa fakir ka soo maaxday maskax aan daganayn. Waa dhaqaale-siyaasadeed liita (weak political economy).

Arintani lagagama gudbi karo M/W Mustafa oo Adddis Ababa la dagaalama. Waxa lagaga gudbi karaa taladan ama proposalkan: In dawladeegaanku diyaariso talo (proposal) u hagaya ama diyaarin doonta hindise faahfaahin doona qiimaha ay Karamardha u leedahay deegaanka, cimilada, iyo darbi dugsinimada (wind breaker) magaalada Jigjiga.

Dhinacan hadii laga hawl galo waxaa dhici karta in Buurtan dabeecigeeda loo dhaafo. Sidaas darteed waa in Addis Ababa la horgeeyaa talo ku aadan illalinta khyraadka dabiicga ee Karamardha (Proposal for the preservation and protection of Karamardha as a natural multi-purpose preserve worth of conservation.)

Waa Bilaahi Towfiiq

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here