Nuuradiin Faarax Qoraagii Dedaalley!

0
Masraxa qoraayada aduunka ayuu kasoo muuqday, isagoo kasoo dhex mudh yidhi Bulsho iyo wadan burbursan. Muuqaallo guud iyo Humaagyo layaab leh ayuu ka bixiyey Soomaalida, isagoo 1965-kii bilaabay qoraalka. Dhalashadiisu waxa ay ku beegnayad 1945-Kii, oo uu Magaalada Baydhabo uu ku dhashay. Deegaanka Qallaafe ayuu ku koray, dugsi Quraankii iyo waxbarashadii aasaasiga ahydna uu ku qaatay. Ganacsade la yaqaan ayaa uu aabihii ahaa Faarax. 1963 dagaallo xuduudeed ka dhacayey Qallaafe xilligii Xayle Salaase, ayaa ku qasbay inuu u soo guuro Muqdisho isaga oo 17-Jir ah.
Intii u dhaxeysay 1966 ilaa 1970, wuxuu shahaadada heerka koobaad ka diyaariyey Falsafada, Suugaanta iyo Cilmiga Bulshada, jaamacada [Panjab University] ee ku taala Chandigarh ee dalka Hindiya.
Chitra Muliyil oo ah Gabadh Dhalshadeedu Hindiyaan tahay, ayuu guursaday hal wiil ayey kala heleen, oo Kooshin loo bixiyey. Muddo kadibna waa ay isfureen. Cugay oo mar kale guursay 1992-kii, Aamina Maama oo ahayd Nayjeeriyaanad dhalsho [Biritish] ah haysata. Abyan iyo Kaahiye waa labada caruur ah ee ay kala heleen Nuuradiin iyo Aamina. Intaas kadib Nuuradiin waxa uu tagay wadanka Ingiriiska, kuna diyaariyey shahaaddada Mastarta. 1990-Kii ayey geeriyootay hooyadii A.H.N.
Waxa uu deeq waxbarasho ka helay Adeegga Isdhaafsiga Tacliinta Jarmalka, wuxuuna u wareegay Berlin. Sanadkii 1996, wuxuu booqday Soomaaliya, markii ugu horreysay muddo ka badan 20 sano. Nuuradiin walaashii Basra Faarax Xasan, oo aheyd diblumaasiyad, waxaa lagu dilay duqeyn dhacday bishii JEN- 2014 xilli ay kala shaqeyneysay Qaramada Midoobay, magaalada Kabul ee dalka afgaanistaan.
Mar sii horeysay oo BBC-da wareysi lagaga qaadday, ayaa Farxaan Maxamed jimcaale weydiiyey, su’aal inta badan dadka Soomaalidu isweydiiyaan oo ah Nuuradiin Faarax sababta uu Af-Soomaaliga uu wax ugu qori waayey? “Ilama ah dadka Soomaalida ahi inay akhrinayaan, haddii Af-Soomaali lagu qoro, sababta oo ah waxaan nala barin wax akhriska. Buug 300-Bog inuu qofkii akhriyo samir uma laha waan bilaabi naqaanaa, balse ma dhamayn naqaan. Mida kale waxaan waxqoridda bilaabay Af-Soomaaliga oo aan qornayn”. Gu’gii 1973-Kii Buug af-Soomaali ku qoran ayaa uu qorey, buuggii oo socda nuqullo kamid ah na lagu daabaco Xidigta October. Ayuunba mar qudha guddigii Faaf-reebku shidaysatay oo joojisay, Nuuradiina wax ka weydiiyeen sadarro siyaasadeed oo buuggaasi ku jirey. Macalinkiisii oo ka tirsanaa NNS-tii waqtigaasi, madaxna ka ahaa xafiis kamid ah, ayaa ka shaqeeyay Furdaaminta kiiskaasi, waxaana go’aan lagu gaadhay in aanu af-Soomaali dambe wax ku qorin. Xilligaasi cabudhin qoraal iyo mid fikir oo xoogan ayaa uu dareemay. Kacaankuna waa uu iska dhex arki waayey qoraallada Nuuradiin.
Waxaa uu noqday Soomaaligii ugu horeeyay ee loo xusho Akadamiyadda Farshaxanka iyo Sayniska Mareykanka, tan iyo markii la aasaasay 1780-kii. waxaa xubno ka noqday akaadamiyadda dad gaaraya 13,500 [Saddex iyo Toban Kun iyo Shan boqol] qof oo ah dad lagu qiimeeyay dadaalkooda oo iskugu jira Xeel-dheerayaal, Arday, Saynisyahano iyo Hoggaamiyeyaal.
Feedh-Qaloocan [ ‘Crooked Rib] waa Riwaayaddiisii ​​ugu horreysay waxa uu qorey 1970-kii, xilligaasi oo da’diisu ahayd 23-Jir, sanad kadib ayaana la daabacay. Sumcad caalami ah ayuu ku kasbaday Sheekadaasi cajiibka ahayd. Waxaana Daabacay H.E.B waana taxanahooda waxbarashada Qorayaasha Afrika. Weriye Cabdi-Salaan Hereri ayaa afka-Soomaaliga usoo rogay buuggaasi. Waxaana lagu tilmaamay -mid ka mid ah tiirarka aasaasiga ah ee suugaanta Bariga Afrika ee maanta. Waxa kale oo uu qoray riwaayado kale, Sheekooyin gaagaaban iyo qormooyin.Tan iyo markii uu ka tegey Soomaaliya 1970-meeyadii, wuxuu ku noolaa barrena ka ahaa, dalal badan oo ay ka mid yihiin Mareykanka, Ingiriiska, Jarmalka, Talyaaniga, Sweden, Suudaan, Hindiya, Ugaandha, Nayjeeriya iyo Koonfur Afrika.
Nuuradiin ayaa qorey buugaag badan oo ay ku jiraan kuwa ka hadlaya qisooyin ku saabsan Soomaalida iyo arrimaha bulshada, sida jaceylka, Nabadda, Colaadda I.W.M kuwaas oo uu ku qoray Af-ingiriisi. Afafka kala duwan ee kala ah Af-Carabiga,Hingiriisida,Talyaaniga iyo
Amxaariga/Xabashiga ayaa uu bartay.
Buugaagtiisii ​​waxaa loo turjumay in ka badan 17 luqaddood. Jaamacaddo badan oo dunida ah, gaar ahaan kuliyaddaha “English Language and Literature” waxa lagu dhigaa buuggaagta uu qorey Nuuradiin.
Taxanayaasha/Buuggaagta uu qorey Nuuradiin Faarax
• Variations on the theme of an African
Dictatorship
1. SWeet and sour milk [1979]
2. Sardines. [1981]
3. Close sesame [1983]
• Blood inthe Sun
1. Maps [1986]
2. Gifts. [1992]
3. Secrets [1999]
• Links
1. Knots [2007]
2. Links. [2003]
3. Crossbones [2011]
• Novels
1. From a crooked Rip[1970]
2. Anaked Needle. [1976]
3. Hiding in plain sight [2014]
4. North of dawn [2018]
Nuuradiin Farah wuxuu ku kasbaday inuu yahay mid ka mid ah qorayaasha ugu waaweyn adduunka, Billaddo iyo abaalmarino caalami ah. Taasi oo uu ku hantiyey sheekooyinka dahabiga ah iyo dhiganeyaasha uu qoray. Qalinkiisa ayuu ku muteystay abaalmarinno ay ka mid yihiin, [Premio Cavour] oo Talyaani ah, [Kurt Tucholsky Prize] oo Iswidhan ah, Abaal-marinta [Lettre Ulysses] ee Berlin, iyo 1998-kii oo uu ku guulaystaystay [Neustadt International] oo ah Abaalmarinta Suugaanta. Isla sannadkaas, daabacaaddii buuggiisa ‘Gifts’ ayaa ku guuleystay abaalmarinta Bandhigga Suugaanta ee [St Malo].
W/Q Jamaal Ibraahim Dasuuqi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here