Nottingham: Gabadh U Dhalatay Masar Oo U Dhimatay Dhaawacyo Ay Gaadhsiiyeen 10 Hablood Oo Isugu Tagay

0
408
Gabadh yar oo uu dhalatay wadanka Masar laguna magacaabo Mariam Moustafa Abdel Salam ayaa u dhimatay dhaawacyo ay soo gaadhsiiyeen koox haween ahi.
Mariam Moustafa Abdel Salam ayay weerar ku soo qaadeen toban gabdhood oo u dhashay wadanka Ingiriiska isla markaana lagu sheegay in ay ahaayeen kuwo cunsuriyiin ahi.
gabadhan yar ee dhimatay oo ay da’deedu ahayd 18 sano jir ayaa wax ka dhigan jirtay dalka Ingiriiska, waxaana weerarka loo geystay ee ay u dhimatay uu ka dhacay Nottingham Dabayaaqadii bishii aynu ka soo gudubnay ee February.
Qareenka u doodayay gabadhan yar oo lagu magacaabo Abdel Salam’ ayaa sheegay in ay u dhimatay daryeel la’aan isla markaana ay aanay jirin cid ka soo ag wareegtay.
geesta kale safiirka dawladda Masar Ujooga Ingiriiska oo isna warbaahinta u waramay ayaa xusay in dawladda Britain ay garanayso cidii falkaasi ka danbaysay, lagana sugayo in ay sharciga mariso.
Ciidamada Booliska ee Nottingham oo iyaguna warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay hayaan dad looga shakisan yahay dilka Maryama.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here