Ninka Hindisay Mo Ibrahim Foundation (MIF) Oo Amaanay Isbedelada Ethiopia

0

Aas-aasaha Mo Ibrahim Foundation, ayaa ku amaanay dawladda Ethiopia isbedeladda waaweyn ee ka dhacay dalkaasi dhawrkii bilood ee la soo dhaafay.

“Waxa aan jecelahay in aan ku hambalyeeyo dawladda Ethiopia isbedeladdan waaweyn ee ka socda dalka, waxa aanu markhaati u nahay in uu dalku maanta dhabo wanaagsan cagta saaray, sidaas daraadeed waxa aanu ka wada hadli doonaa isbedelada afrika iyo ethiopia, waxaanan sidoo kale la wadaagi doonaa fekradahayaga salka ku haya horumarinta dhalinyarada iyo sidii shaqooyin loogu samayn lahaa” ayuu yidhi

Mo Ibrahim Foundation (MIF) oo ah mid ka hawl gasha qaarada afrika ayaa la aasaasay asanadkii 2006-dii, waxaanay door laxaad leh ka qaadataa dawladnimada iyo hogaaminta qaarada afrika

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here