Nin Qudha Iska Jaray Si Uu Bogaga Hore Ee Warbaahinta Ugu Soo Baxo

0
347

Nin ay Da’diisu tahay Meel dhexaad, una dhashay wadanka Kenya ayaa naftiisa ku haligay haro oo socota.

Haradan oo ku taala Kinungi ee duleedka wadada Nairobi-Nakuru, waxaana saaxiibadii iyo Eheladiisu ay xuseen in uu ninkani hore nidar ugu maray in uu dunida taariikh cusub dhigi doono, isla markaana uu naftiisa ku haligi doono Halis si ay warbaahinta wadanka Kenya u qaadaa dhigto.

Ninkan ayaa sidaasi uu ku qaaday daadku, naftuna uga baxday, waxaanay markani noqonaysay bay yidhaahdeen eheladiisu markii saddexaad.

afada u dhaxday ninkaasi ayaa warbaahinta wadanka Kenya u sheegtay in saygeedu uu marar badan isku dayay in uu is dilo, isla markaana uu jeclaa in ay mar uun naftiisa ka waranto Warbaahinta wadanka kenya.

War laga soo xigtay xubin ka tirasn guddida  Nakuru County oo lagu magacaabo  Stanley Karanja, ayaa yidhi “Marka loo eego dhacdadan hore ayuu ninkan igu balan qaaday in uu naftiisa haligi doono, si warbaahinta wadanka kenya ay uga faalooto, waxaanay u muuqataa in uu ugu danbayntii gaadhay hadafkiisii” ayuu yidhi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here