Nin Maalintii Wariye Ah, Habeenkiina Kabo Tole Ah

0

Nin u dhashay Waddanka Hindiya oo kabatole ah ayaa sidoo kale noqday wariye, wuxuuna faahfaahinayaa sababta ku kalliftay inuu labadaas shaqo isku wado.

Muuqaal ay ka diyaarisay BBC-da ayuu ku sheegay in ujeeddada ugu weyn ee uu wariyenimada ugu shaqeeyo ay tahay sidii uu u faafin lahaa wararka aan la sheegin ee ku saabsan magaaladiisa.

“Shaqadeyda kabo sameynta ah waxaan qabtaa laga billaabo 7pm fiidnimo ilaa saqda dhexe ee habeenkii. Maalintiina waxaan u shaqeeyaa wariye ahaan”, ayuu yidhi ninkan oo lagu magacaabo Suresh Nandmehar.

Haddaba maxaa ku kallifay wariyenimada?

“Sababta aan wariyaha u noqday waxay ahayd maadaama ay lagama maarmaan ahayd. Mas’uuliyiinta dowladda waxay sanadkii 2002-dii nagu amreen inaan ka guurno meheradaheennii ganacsiga ee magaalada Bhopal. Waxaan ka codsannay inaysan naga rarin halkaas laakiin way na dhageysan waayeen wayna naga burburiyeen. Waxay nagu ahayd xaalad adag oo culeyskeeda leh. Qaar ka mid ah dadkii ay arrintaas saameynta ku yeelaneysay waxay i weydiiyeen sababta aysan warbaahintu u tabineynin wararka ku saabsan arrintaas nagu dhaceysay. Xilligaas ayey ahayd markii aan fahmay awoodda ay leedahay warbaahinta”, ayuu yidhi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here