Nin Caawa Nabaro Gaadhsiiyay Maamulaha Dugsiyadda Nuuradiin

0
Maamulaha guud ee Dugsiyadda  Nuuraadiin Mahad Maxamed Ibraahim  ayaa dhaawac loo geystay caawa isaga oo ku tukanaya masjidka imaamu Shaafici ee xaafada 150 ee Magaaladda Hargeysa.
Sida uu ku waramayo Wariye Ilyaas Cabdi Nin ku ag tukanayay ayaa maamulaha madaxa dhowr mar bir kaga dhuftay waxaana nabaro ay ka soo gaadheen madaxa.
Lama garanayo waxaa uu ninku ku bartilmaameedsaday maamulaha. Ninka dhaawaca geystay waxaa qabtay dadkii masaajidka ku tukanayay oo garaacay kaddibna u qaaday xaga saldhiga Daloodho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here