Nin Aan Hadhaw Kuu Furi Doonin, Yaanu Kuu Rarin

0

Waxa bari dhacday reer baa nin la yaallay ku yidhi meel barwaaqo ah ayaa la soo
arkay ee waynu guuraynaa ninkii wuxu yidhi waar ninyow aniga waxbaa iga kala
daadsan ciidan badanna ma haysto ee aan iska negaado,maya!! Anagaa kula
rarayna oo ku gacan qabanayna awrtiibaa la soo qabtay Geeddi ayaa loo lallabay
Ninkiina waa lala raray awrtii,markay casarkii tahay ayaa Geeddigii yimi Gurigii la
degi lahaa sida la ogyahayna rarka hore waxa ka howl badan furista danbe oo Aqal
dhis iyo xeryo la oodo ayaa taalla waar Awrta ila fura ayuu dhowr jeer yidhi.Hase
ahaatee cidba lama hadal nin kastana waxa mashquulisay siduu xero u oodan
lahaa gurina u yagleelan lahaa ninkii waxa laga hayaa inuu yidhi odhaah dhaxal gal
ah oo ahayd “Iga danbeeyow nin aan kuu furi doonin yaanu kuu rarin”
Waxa sidaas oo kale ka dhigan xukuumadda masar oo manta oo ay Ethiopia isku
hayaan wabiga niilka doonaysa inay xidhiidh cusub la samaysato Somaliland oo
waliba rabta in Saldhig laga siiyo Badda Somaliland,in kastoo dadka reer Masar iyo
dadka Reer Somaliland ay yihiin dad walaalo ah haddana Xagga Siyaasadda aad
ayaa loogu kala fogyahay oo Masar waxay ka mid tahay Dowladaha sida wayn uga
soo hor jeeda Qaddiyadda Somaliland.Waxayna Jeceshay inay Masar mar uun
aragto Somali midaysan oo Ethiopia dagaal la gasha si Ethiopia uga mashquul
noqoto Biyaha Niilka,Siyaasadda masar (Gopolitic)waa can waa wax la yaqaanno.
Arrinta Somaliland iyo Masar waxay u egtahay sheekada ninkaas xagga sare ku
xusan waxan odhan lahaa Somalilaneey Masar kuu furi mayso hadhow ee banaan
ayay kaaga dhaqaaqi ee yaanay imika kuu rarin,saaxiibada soo jireenka ahna yaan

lagu waayin.Haddise xidhiidh caadiya oo bilaa turxaan ah ay la socoto dhib ma
laha ayaan qabaa.
Ethiopia ayaa Dhaam wayn ka dhistay meel u dhow xadka suudaan,dhaamkaas
waxay ku Doc ka faruuraysaa Biyaha wabiga Niilka,waxayna Ethiopia u aragtaa
inay Mustaqbalkeeda iyo dhaqaaleheeda ku dhisayso waxayna doonaysaa inay ka
samayso Laydhka Tamarta Biyaha ku shaqeeya oo ay ka iibin doonto Waddamada
Geeska Afrika oo dhan taasna ay xaq u leedahay,masar waxay u aragtaa in Wabiga
niilka biyihiisu yaraan doonaan Sidaas darted Noloshii Masar iyo Ilbaxnimadii
Masar ee ku dhisnayd wabiga niilka soona taxnayd Qarniyaalka badan illaa
Faraaciintii ay khatar soo waajahday sidaas darted dariiq kasta oo ay u mari karto
way maraysaa.
Waxa jirta odhaah can ah oo tidhaa “Niil Waa masar,Masarna Waa niil” sidaas
darted Waxan odhan lahaa Masar yaanay danteeda ku gaadhin Somaliland ee ha
laga feejignaado.

Rashiid Odawaa
Khadarsalaan@gmail.com
063-4101213

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here