Nin 35 sanno ka hor ka gooystay ciidammada Mareykanka oo la qabtay

0
90

Ninkan ayaa la sheegay inuu ka goostay ciidammada cirka ee Mareykanka sannadkii 1983 waxaana lagu xiray gobolka California, sida ay sheegeen militariga.

Ninka oo lagu magacaabo William Howard Hughes oo si qarsoodi ah u goosatay ayaa markii ugu war dambaysay la rakay isagoo lacago gaaraya $28,500 kala baxaya bangi ilaa 19 deegan oo ku yaalla New Mexico.

Horraantii bishan nin lagu sheegay magaciisa Barry O’Beirne ayay saraakiishu socdaalka waraysteen xillii ay baarayeen Baasaboorka.

Waxaana la sheegay in ninka magaciisa dhabta ah la yiraahdo William Hughes.

William Hughes wuxuu sheegay inay murug ku haysay inuu ka tirsanaado ciidamada cirka taasina ay ku qasabtay inuu ka baxsado uuna samaysto magac been ah,

Wuxuu intaasi ku daray in ilaa waaggaasi uu ku noolaa gobolka California.

Captan William Hughes waxaa lagu haya xabsi ku yaalla xarunta ciidamada cirka ee California, sida ku xusan bayaan ay soo saareen kooxda dambi baarista waday ee ka tirsan ciidamada cirka.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ninkan uu kasoo laabtay dalka Netherlands halkaaso uu la shaqaynayay saraakiisha NATO.

Waxaa la sheegay inuu baxsad ahaa uuna kamid yahay 7 qof ee ay dondoonayaan ciidammada cirka ee Mareykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here