Natiijadda Kulan Mar Kale Dhex Maray Xisbiyadda Qaranka + Jawigii Shirka Oo Lagaga Hadlayay doorashooyinka

0

Kulankii labaad oo ay Xisbiyadda Kulmiye, Waddani iyo UCID Kaga arrinsanayaan Dib u dhaca Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka, Wakiiladda iyo Arrinta Komishanka Doorashooyinka Somaliland ayay mar kale fooda isku dareen.

Guddiyo ay u kala saareen Xisbiyaddu wada hadalkaasi oo ay u kala hogaaminayaan Xisbiga Kulmiye Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo ah madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland, Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad ee Kulmiye iyo guddoomiyaha Ku Meel Gaadhka ah ee Xibsiga Waddani Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciiil Jirde ayaa ka qabsoomay Gelinkii hore ee Maanta Qasriga Madaxtooyadda.

In kasta oo aan warbaahinta loo ogolayn isla markaana aad loo ilaaliyay Xogta Shirkaasi, hadana ilo wareedyo u dhuun Daloola Qodobada lagaga hadlayay Shirkaasi ayaa u sheegay Telefishanka Caalamiga ah ee Saab  in uu ku qabsoomay Jawi Degan.

Halkan Ka Daawo Warbixintaas oo dhamaystiran

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here