Muxuu Muuse Biixi ugu guuldaraystay inuu qabto doorashooyinka Wakiilada iyo Deegaanka ee Somaliland mudo labo sanno ah?

0

Waxaan isku dul taagi doonaa maqaalkan sababta dhabta ah ee uu illaa hadda u la meeraysanyo Muuse Biixi inuu qabto doorashooyinka golayaashaWakiiladda iyo Deegaanka ee Somaliland oo ay ahayd inay qabsoomaan sanadkii la soo dhaafay ee 2018 bishiisii March. Iyadoo aan hore arinkaa maqaal uga qoray kaasi oo aan diiradda ku saaray karti-darro da Muuse Biixi oo aan lahayn karti iyo hufnaan uu kuhirgaliyo doorashooyinkaas. Laakiin waxa uu Muuse lahaa karti uu kaga dabo qayliyo sida dacawga hadba cidda kursiga madaxweynaha Somaliland ku fadhida. Waxa aynu ogayn sidii isaga iyo Maxamed Kaahin ay wax uga sheegi jireen madaxwayne Riyaale  illaa ay gaadheen heer ay wax ka sheegaan marwadiisa. Mararka qaarkoodna kutiraabi jireen inay ul kaga soo saari doonaan Madaxtooyada madaxwayne Riyaale kaasi oo Suurtagaliyay inuu qabto doorashooyinkii uga tiradda badnaa ee abid Somaliland laga hirgaliyo. Maanta oo ay iyagu kaalintii ku jiraan waxay u tahay fashil Qabasho la’aanta ay qaban kari la’yihiin hal doorasho iska daa inay qaadaan tubtii Riyaale ku suurta galiyay qabsoomida doorashooyinkaa tirade badnaa.

Waxaa Maalin dhawayd oo ay bisha December ahayd 17 sannadka 2019 shir jaraa’id oo aan nuxur badanlahayn jeediyay Maxamed Kaahin oo wali kucelcelinaya wax uu tobanaan jeer oo hore sheegay, oo ah in xisbiyadda mucaaridku ay is hor taageen qabsoomidda doorashooyinka taasi oo aan u arko wanjal iyo been cad oo uu hore u sheegay marar kala duwan waxaanse leeyahay Maxamed Kaahinoow taasi waa (wax aad Ogtahay ma kuu sheegaa). cidda ku guuldaraysatay inay qabato doorashooyinka waa macallinka Fariinta qaldan ku soo fara ee Muuse Biixi kaasi oo aad ka quud daraynayso inuu maalin uun kuguwareejiyo kursiga gudoomiyenimo ee Kulmiye. Waa kursi uu ilaa hadda si cad iyo fagaare loo wada dhanyahay ba u diidan yahay

Cabdi Muhumed cabdimuhumed60@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here