“Musuq-maasuq Vs Waddan” Axmed Nuur Guruuje

0

” Musuq-muusaq Vs Waddan ”.

Aafadda ugu wayn ee ku dhacday wadanka Pakistan waxaa laggu sheegaa in ay tahay musuq-maasuq aafeeyey ,kaasoo jilbaha dhulka u dhigay .

Raysal wasaaraha cusub ee wadankaas dhawaan loo doortay Mr Imran Khan , ayaa ku galay ololihiisii doorashadda in uu musuq maasuqa la dagaalamayo , waxaanu la yimi qorshe laggu bartilmaameedsanayo madaxda loo tiranayo in ay xoolo umadeed lunsadeen sidda raysal wasaarayaashii isaga ka horeeyey .

Madaxwaynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa isuguna la yimi siyaasad u eeg tan Pakistan , waxaanu ku dhaqaaqay talaabooyin laggu bartilmaameedsanayo madaxda waawayn ee musuqa lagu tuhmo iyo kor joogayn la korjoogeeyo guud ahaan hawl-wadeenadda dawladda .

Hadaba labadan Oday siyaasadooda ku saabsan la dagaalanka musuq-maasuqa ayaan laggu dhaliilay in aanay ahayn mid si xeel-dheer xididada ugu siibaysa musuq maasuqa , waxaana lagula taliyay in ay sameeyaan siyaasaddo cadcad iyo dib u habayn ku saabsan haayadaha dawliga ah oo sal iyo beera .

Dhinaca kale ,Raysal wasaaraha Wadanka hindiya , Mr Moddi ayaa isagu la yimi aragti ku saabsan la dagaalanka musuq-maasuqa , taasoo uu sal-dhig uga dhigay sadex qodob .

1- Buufinta cayayaanka oo uu u bixiyay in musuq maasuqa loola dagaalaamo si aan naxariis lahayn ,heer kasta oo uu joogo ..

2- la dagaalanka dabaqadaha iyo kala saraynta , iyadoo xooga la saarayo sinaanta iyo isa soo gaadhsiinta qaybaha bulshada .

3- Soo celinta lacagtii guryaha laggu haystay iyo samaynta noodhadhka cusub .

Hadaba daraasad ay samaysay haayadda la dagaalanta musuqmaasuqa ee loo yaqaano ,Transparency International ayaa sheegtay in wadanka Hindiya sameeyey horu-kac kooban isagoo sadex darajo horre uga kacay kaalintiisii horre isagoo horre u ahaa 78 todobaatanaadna noqday wadanka 81 , halka qorashayaashii Shiinaha iyo Pakistan aanay weli samaynin wax natiijo ah .

Ugu danbayn haayadani waxay kula talisay wadamadaas hadii ay doonayaan in musuq-maasuqa lala dagaalamo in ay la yimaadaan qorsheyaal cad-cad iyo dib habayn balaadhan oo ay ku sameeyaan haayadaha dawladda .

Si kastaba ha ahatee , musuq-maasaqu waa aafadda ugu wayn ee ka jirta Aduunyadda , aduunyada oo dhamina waxay dagaal kula jirtaa musuq maasuqaas , iyadoo la xaqiijiiyay in aan wadan iyo musuq-maasuq aanay wada jiri karin ee miduun jirayo .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here