Muranka doorashooyinka Somaliland iyo sida xaalku yahay maanta…Cali Cabdiraxmaan

0
27-kii bishii toddobaad ee sannadkan waxa ay wada saxeexdeen saddexda xisbi iyo beesha caalamku heshiis ahaa in lana xubnood lagu daro komishanka, dabadeed wakiilladu ansixiyaan – dabcan golohaasi xeer kasta isagaa xaq u leh in uu meel mariyo. Markii la bilaabay in xildhibaannado mooshinkaa goloha u gudbiyaan, waxa ka cago-jiiday Kulmiye oo xildhibaannadiisii ka meeraysteen in ay saxeexaan mooshinkaas. Xildhibaanno micaaradka u badan ayaa gudbiyay mooshinkii.
Mar kale Kulmiye waxa uu ka gabaday in uu xisbiyada mucaaradka kala shaqeeyo sidii loo galin lahaa mooshinkaa cod. Shir guddoonka golaha oo dhamaantood Kulmiye ah, ayaa mooshinkii ay qabteen 05-kii bishii siddeedaad ku sheegay maanta mid sharciga aan waafaqsanayn. Nin isku magacaabay lataliyaha arrimaha sharciga ee goloha wakiillada, balse aan xaq u lahayn in uu magacaa sheegto, sida uu sheegay xildhibaan Rayte, oo shaqadiisu tahay lataliya sharciga shirguddoonka wakiillada, ayaa yidhi, waa sharci darro mooshinkani.
Guddoomiye Baashe oo Kulmiye ah ayaa fasaxay golihii muddo 45 cisho ah iyada oo aan la gaadhin xilligii fasaxa. Waxa iska cad in xukuumadda oo kaashanaysa xildhibaannadeeda badan iyo shirguddoonka u khaaliska ahi aanay rabin in heshiiskii xisbiyadu ansaxo. Masuul Kulmiye u hadlay maanta ayaa sheegay in masuuliyadda dib u dhaca doorashooyinka saddexda xisbi wada leeyihiin. Taas oo iska cad in xisbiga Kulmiye uun ku kooban tahay masuuliyad darrado.
Haddaba waxa adkaan doonta in doonista Kulmiye hirgasho haddii sida maanta ay u wada socdeen labada xisbi mucaarad isku mawqif u ahaadaan. Waxa kale oo la yaab leh in Muuse Biixi laba sano oo dhan iska daa in uu doorasho qabtee uu muranka komishanka ee xisbiyada dhamayn kari la’ yahay, halka Rayaale labadii sano ee ugu horraysay xukunkiisa saddex doorasho qabtay. Waddanka oo qufulnaa intii uu Muuse haystay haddii imikana heshiisyadii beesha caalamka laga baxo, waxa ka dhalan karta iyadana cunaqabatayn iyo cadaadis kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here