Muran Ka Taagan Xil Loo Magacaabay Oday 91 Sano Jir ah + Dhalinyaro Ka Gadooday

0
73

Daka Kenya waxaa uu buuq ka dhashay xil loo magacaabay madaxweyne ku xigeenkii hore ee Kenya, Moody Awori oo da’diisu ay tahay 91 jir. Sida ku cad war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska wasiirka maaliyadda ee dalka, waxaa Henry Rotich waxaa Moody Awori loo magacaabay inuu kamid noqdo guddi dusha kala socon doonto arrimaah ciyaaraha ee dalka Kenya.

Hasa yeeshee dhalinyaro badan oo reer Kenya ayaa aad uga carooday tallaabadaasi, iyagoo na dowladda ku eedeeyay in ay iska indha tireyso dhalinyarada. Dadka adeegsada baraha bulshada ayaana ugu baaqay Madaxweyne ku xigeenkii hore oo maalin un kadib markii xilkaasi loo magacaabay u debaldagay 91 sano guuradii ka soo wareegatay dhalashadiisa in xilka loo magacaabay uu iska dhaafo.

Dhalinyaro badan ayaa ku doodaya in fursadaaasi la siiyo dhalinyarada oo si wanaagsan xilkaasi uga soo bixi karo, madama dalka ay ka jirto shaqo la’aan baahsan, waxaana madaxweynaha dalka ay ku eedeeyeen in uusan ka soo bixin ballantii uu ka qaaday dhalinyarada.

”Moody Awori loo magacaabo guddigan waxay bahdil ku tahay dhalinyarada dalkan”. Ayuu yiri Robert Alai oo kamid ah dadka ka hadlay arrintan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here