Muran Ka Taagan Halkii Lagu Aasi Lahaa Mugabe

0

madaxweynihii hore Robert Mugabe ayaa lagu wadaa in la geeyo dalkaas Arbacada, waxaanay dawladdu xaqiijisay in aaskiisu socon doono laba maalmood.

Mugabe oo 95 jir ahaa wuxu todobaadkii hore ku dhintay isbitaal ku yaal dalka Singapore.

Laakiin waxaad mooda in uu jiro muran dhex yaal dawladda iyo qoyskiisii oo ku saabsan halka lagu aasayo ninkaa Zimbabwe 37 sannadood xukumayey.

Eheladiisa qaarkood waxay doonayaan in lagu aaso tuuladii uu ku dhashay ee Kutama oo ku taal gobolka Mashonaland ee galbeedka dalkaas oo 80 km uu jirta magaalo madaxda Harare.

Geesiyaashii Zimbabwe badankooda oo ay ku jiraan kuwii la dagaallamay xukunkii tirada yaraa ayaa lagu aasaa xabaalaha Heroes’ Acre oo ku yaal duleedka magaalada Harare.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here