Muqdisho: Magacyadda Afar Qof Oo La Sii Daayay Markii Laga Waayay Cudurka Coronavirus

0

Wasiirka Caafimaadka ee Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in afar qof oo ka mid ah dad hore looga shakiyay in uu Hayo cudurka COVID 19, meel cidlo ahna lagu hayay la fasaxay.

afartan qof oo ay magacyadoodu kala yihiin 

1. Axmed Yuusuf Yaasiin

2. Cabdicasiis Cabdirisaaq Cusmaan

3. Ducaale Jaamac Maxamuud

4. Ibraahim Maxamed Yaasiin

ayay dawladda federaalka soomaaliya sheegtay in laga sii daayay halkii hore loogu hayay.

16-kii March ayaa Soomaaliya laga xaqiijiyay kiiskii ugu horreeyay ee Coronavirus, mana jirto cid ilaa hadda lasoo tabiyay inay xanuunkan ugu dhimatay gudaha dalka.

26-kii March, Wasiirka caafimaadka ee Soomaaliya Drs Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa ku dhawaaqday in qofkii labaad laga helay cudurka Caronavirus, kaasoo ah mawaadin Soomaali ah oo ka yimid dalka Talyaaniga oo maalmo la hayay.

Saddex kiis oo coronavirus ah ayaa ilaa hadda laga xaqiijiyay Soomaaliya, sida ku xusan shaxda Hay’adda WHO ee la socodka tooska ah ee faafitaanka cudurkan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here