Mudaharaad Ka Dhacay Banaanka Guriga Uu Degan Yahay Ra’isal Wasaaraha Israel

0

Boqolaal qof oo dibadbaxayaal ah fiidnimadii xalay is hor tubay guriga uu Magaaladda Qudus ka degan yahay Ra’isal Wasaare Benjamin Netanyahu.

Dadkan oo ah Israa’iiliyiin ayaa ka soo horjeeda in uu Benjamin Netanyahu uu sii hayo xilka Ra’isal Wasaaraha, waxaanay ku eedaynayaan in uu galay dambiyo badan. 

Dibad baxayaasha ayaa sita boodhadh ay ku Xardhan yihiin “Ra’isal Wasaaraha Dambiyadda Badan galay” iyo weedho kale.

Booliska ayaa ku eedeeyay Dadka Mudaharaadka dhigaya in ay yihiin kuwo khaldan, maadama sida ay ku doodayaan ay xidheen wadooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here