Mooshin Ka Dhan Ah Ragga Minyaraysanaya Oo Baarlamaanka Masar La Soo Hor Dhigay

0
314

Baarlamaanka wadanka Masar ayaa eegaya qoraal qabyo ah oo ku saabsan in golahaasi la hor keeno xeer cusub oo ninka doonaya in uu xaaskiisa la guursada ku qasbaya in uu marka hore u sheego isla markaana uu ka dhaadhiciyo qorshiisa guurka.

warkan oo ay baahiyeen warbaahinta gudaha ee dalka Masar ayaa waxa uu intaasi ku darayaa in xeerkan cusub ee la alifayo ay soo jeediyeen xildhibaanadda haweenka ah ee ku jira baarlamaanka wadanka Masar.

Haddii uu ninku damco in uu guursado haweenay kale, waxa la doonayaa in uu kala tashado xaaskiisa, hadii ay u diido markaasna uu faraha ka qaado isla markaana uu dhaqdo reerkiisii hore, haddiise loo ogolaadona ay tahay in uu ku dhaqaaqo, maadama uu fasax ka qaatay minweynadii.

xildhibaan Abla Hawary ayaa sheegtay in xeerkani uu dumarka u damaanad qaadayo xuquuqdooda “Haweenaydu waxa ay leedahay xuquuq loo baahan yahay in la ogaado” ayay u sheegtay warbaahinta.

Mooshinkan ayaa haddii ay Baarlamaanka Waddanka Masar u codeeyaan waxa uu caqabad ku noqon doonaa rag badan oo damacsanaa in ay iska minyaraystaan.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here