Milicsiga Taariikhda Faneed Ee Cabdi Cali Bacalwaan: Mid Ka Mid Ah Fannaaniintii Loogu Jeclaa Hoballada Waaberi Qalinka: Maxamed Maxamuud Yuusuf (Ilkacase)

0
507

Ilaahay Cimriga iyo Caafimaadkaba ha u barakeeyee Fannaanka weyn ee Caanka ah Cabdi Cali Bacalwaan waxa uu ka mid yahay kana mid ahaa haldoorka Fannaaniinta Soomaaliyeed ee ragga ah kuwooda ugu horreeya, ugu codka macaan, ugu jilitaanka wanaagsan looguna jecel yahay heesihiisa. Dadka sida weyn ula socda una xiiseeya Fanka Soomaalidu waxa ay Fannaan Cabdi Cali Bacalwaan ku xasuustaan hub-qaadkiisa, Masrax-jooggiisa wanaagsan iyo qaabka Jilitaan ee Riwaayadaha uu ka qayb galay wakhtigii Fanka Soomaalidu cirka marayay.

Fannaanka Codka Baxsan Cabdi Cali Bacalwaan oo markii noogu dambaysay ku sugnaa waddanka Jarmalka, burburkii Soomaaliya kadibna in muddo ah ku ku noolaa caasimadda waddanka Kenya ee Nairobi ayaanu qormadan ku soo qaadan doonaa taariikhdiisaa faneed, riwaayadihii caan baxay ee uu ka qayb galay, qaar ka mid ah heesaha caanka ah ee Bulshadu sida weyn ugu taqaano ee uu ku luuqeeyey iyo Arrimo badan oo la xidhiidha Nolosha Fannaanka, isaga oo Fannaankani ka mid ahaa tiirarkii udub-dhexaadka u ahaa fannaaniinta iyo fanka Soomaaliyeed ee casriga ah.

Waa Kuma Cabdi Cali Bacalwaan, Halkee ku dhashay?, halkeese salka ku haysaa Naanaysta uu ku caan baxay ee Bacalwaan?, goorma ayuu dalka Soomaaliya ka baxay kadib sannadihii burburkii, muxuuse ka xasuustaa waayihiisa faneed?, dhammaan su’aalahaasi waxa si waafi ah uga jawaabi doona Fannaanka oo xogtan ku bixiyey waraysiyo kala duwan oo uu hore u bixiyey oo aan soo ururinay.

Ugu horrayn Cabdi Cali Bacalwaan oo ka hadlaya deegaanka uu ku dhashay iyo sababta magaca Bacalwaan loogu bixiyey waxa uu yidhi: “Waxa aan ku dhashay deegaanka Wardheer ee ka tirsan Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ee Kililka Shanaad. Magaca Bacalwaan ama naanaysta Bacalwaan, berigii aan dhashay ayuu ii baxay. Qoyska aan ka dhashay waxa ay ahaayeen qoys maal-qabeen ah. Markaa Haweenay baa aniga gaar la iigu qaybiyey oo aniga xanaanadayda iyo arrimahayga gaar la iiga dhigay oo I hayn jirtay oo waalidku ku yidhi inankaa gacanta ku hay oo hagaaji oo daryeel ayaa ii bixisay magaca. Markaa waxaan ahaa Ilmo yar oo buuran sida aan maqlay. Ilmaha buuqa iyo qaylada bandanna maan ahayn baa la igu yidhi. Kadib marka ay caanaha iyo cuntada I siiso ayaa waxa ay tidhaa Bacalwaan, Alla kani waa Bacalwaan. Bacalwaan Bac dheh. Sidaasi ayuu magacu iigu baxay. Bacalwaan oo islaantaasi I soo korisay ayaa ii bixisay. Waxa ay ahayd islaan reerkayaga la joogi jirtay. Waligayna illaa yaraantaydii illaa maantana isaga ayaa la ii yaqaanaa. Marka aan Wardheer ku soo koray anoo yar baan ka soo tagay waxaanan soo galay Magaalada Muqdisho oo aan ku barbaaray intii dambena aan noloshayda ku qaatay”.

Intaa kadib Fannaanka weyn ee Cabdi Cali Bacalwaan waxa uu innooga warramayaa wakhtigii ugu horraysay ee uu Fanka soo galo, sida uu ku soo galay iyo in marka horeba Fanku ahaa wax lubbigiisa ku lammaan oo ku suntan. Fannaanka oo arrimahaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi: “Fanku waxa uu ahaa wax laabtayda ku jira. Fanaaniintii naga horraysay heesaha ay qaadaan ayuunbaan qaad-qaadi jiray oo aan jeclaa. Markaasaan iska dhigi jiray nin heesaa ah oo belaayo ah oo khatar ah. Intaan meelahaa xaafadaha dhexdooda fadhiisto ayaan heesaha qaadi jiray. Heesaha fanaaniintii naga horraysay ee aan idaacadda ka dhagaysto ayaan qaad-qaadi jiray. Kadib markii taariikhdu ahayd 1965-kii ayuunbaan maqlay tartan yar oo laga ogaysiinayo  Raadiyow Muqdisho.

…..La Soco

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here