Milatariga Suudaan La Wareegay Oo Caydhiyay Ergaygii U Joogay Washington

0

Golaha Milatariga ee la wareegay talada wadanka suudaan ayaa war ay soo saareen ku sheegay in caydhiyeen ergaygii u joogay Magaaladda Washington Mohamed Atta.

Afhayeen u hadlay Golahaasi oo lagu magacaabo  Shamseddine Kabbashi ayaa sheegay in go’aankaasi uu yahay mid la isla wda qaatay isla markaana xilkii uu qarankaasi u hayay laga xayuubiyay.

Maxamed Atta ayaa hore u ahaan jiray taliyaha laanta mukhaabaraadka ee wadanka suudaan, waxaana xilkaasi loo magacaabay  uly 2018, ka dib markii ay wax iska bedeleen xidhiidhkii xumaa ee u dhaxeeyay labada wadan ee suudaan iyo maraykanka.

Ergayga la eryay ayaa qayb ka ahaa ergadii dhexdhexaadinta ka waday labada wadan ee maraykanka iyo suudaan si dalkaasi looga qaado cuno qabatayntii dhinaca ganacsiga ee saarnayd dalkaasi, taas oo laga kor qaaday sanadkii 2017.

Xidhiidhkii u dhaxeeyay labada wadan ee suudaan iyo Maraykanka ayaa xumaaday sanadihii 1992 ilaa 1996 ka dib markii ay suudaan magangelyo siisay cusaama bin laadin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here