Milatariga Oo La Wareegay Amaanka Magaaladda Addis Ababa

0

Ciidamadda Milatariga ee Dalka Ethiopia ayaa lagu soo daad Gureeyay Guud ahaanba Magaaladda Addis Ababa ee Caasimadda Ethiopia, ka dib markii ay kordheen Dibadbaxyadda lagaga soo horjeedo Dilka Fanaankii caanka ahaa ee Haacaaluu Hundeessaa.

Rabshadahan loo maaro waayay ayaa ka dambeeyay Ka dib markii dhawaan Magaaladda Addis Ababa lagu dilay Haacaaluu Hundeessaa oo ahaa Heesaa caanka ah Ethiopia, kana soo jeeday Qoomiyadda Oromia.

Dhimashada ka dhalatay Rabshadahan ayaa lagu soo waramayaa in ay gaadhay ilaa 80 qof, waxaana dad goob joogeyaal ahi u sheegeen wakaaladda Wararka ee Reuters in ay jiraan ciidamo Boolis ah oo halkaasi lagu dilay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here