Midhka Maanta: Hirdanka Haamaha Shiidaalka Iyo Halisaha Ku hadoodilan

0

Marka laga yimaado hindisaha xogtiisa la helay wali muu soo bixin heshiis dhex maray xukuumada iyo ganacsatada, waxaase arrintan khilaafkeedu bulshada u soo baxay banaanka keenay sida ay qabaan dad badan oo u dhuun daloola xaajadani dhawr qodob oo qayb waliba damacsanayd inay wuxuun u suuro galaan balse aan laga eegin cawaaqibka dambe kuwaas oo ah.

Displaying liban.jpg

  • Iyadoo madaxweynuhu tiraba dhawr jeer xadhiga ka jaray dhismayaal iyo dayac tiro lagu sameeyay haamaha shiidaalka, isla markaana uu maareeyuhu barmaamijyo is barbar dhig ah ka diyaariyay ayay haddana xoguhu tibaxaayaan inaanay xukuumadu wax lacag ah galin dhismayaashaas iyo dayac tiradaasba taas oo ay lacagta ka qaaday ganacsatada isticmaasha haamaha. Haddaba madaama oo tibaaxuhu tilmaamayaan in xukuumadu lacagta lagu maalgaliyay dayac tirka haamaha ay ka qaaday ganacsada waxay damacday inaanay arrinta kiraynta ka dhigin heshiis toos ah (formal Agreement) balse ay ka dhigto heshiis dadban (informal Agreement) si ay ugu yaradaan culaysyada ay ganacsadu ku hayso maadama ay lacag xoog ah galiyeen haamaha.
    Waxaanay xukuumadu haddii ay sidaasi jirto iska ilawday qodobka 11Aad ee dastuurka farqadihiisa 1aad iyo 2aad Sida oo kale waxay xukuumadu ilawday isla qodobka 12 aad ee dastuurka dalka farqadihiisa 2, 3,4,iyo 5 aad oo odhanaya sidan.

QODOBKA 11AAD
DHAQAALAHA DALKA

1.Si loo xaqiijiyo kobcinta wax-soo-saarka, kor-u-qaadidda heerka nolosha, abuuridda goobo shaqo, iyo guud ahaan horumarinta dhaqaalaha dalka, Dawladdu waxay dejinaysaa siyaasadda guud ee dhaqaalaha, oo ku salaysan mabaadi’da suuqa xorta ah iyo is-garabsiga hantida gaar ahaaneed; hantid wadareed, hantida Qaranka iyo maalgelinta shisheeyaha.
2. lyadoo la dhawrayo inaanu habka dhaqaale noqonin mid horseeda in barwaaqadu ku koobnaato ama ku ururto koox ama dad tiro yar, si aanay u dhalan dabaqado dhaqaale oo ka kooban kuwo wax haysta iyo kuwo aan wax haysan; si aanay u balaadhan farqiga dhaqaale ee u dhaxeeya reer magaalka iyo reer miyiga, waxa Dawladda Jamhuuriyada Somaliland xaqiijinaysaa in adeegyada bulsho iyo fursadaha dhaqaale si cadaalad iyo sinnaan ah loo qaybiyo.
.
QODOBK 12AAD
HANTIDA-GUUD, KHAYRAADKA DABIICIGA AH
IYO WAX-SOO-SAARKA WADANIGA AH

  1. Daryeelka iyo ilaalinta maalka iyo awqaaffa iyo hantida guud waa waajib saaran Dawladda iyo muwaadiniinta, waxaana qeexaya xeer.
    3. Xukuumaddu waxay awood u leedahay inay yeelato, gacanta ku hayso, hanti¬-guurto ama ma-guurto ah, ama ay iibsato, iibiso, kiraysato, kirayso, ku bedelato qiimo u dhigma ama ku samayso hantidaas tasaruf kasta oo sharciga waafaqsan.
    4. Khayraadka dabiiciga ah ee dalka waxaa mas’uul ka ah Dawladda-dhexe, waxaanay qaadaysaa tallaabo kasta oo suurta gal ah si loo baadho, loogana faa’iidaysto khayraadka ku jira berriga iyo badda dalka. llaalinta khayraadka dabiiciga ah iyo sida ugu habboon ee looga faa’iidaysan karo xeer ayaa qeexaya.
    5. Hantida guud ee lahaanshaheeda ama ka faa’iidaysigeeda loo baahdo in Ia wareejiyo waxay ku wareegi kartaa si xeerka waafaqsan.
  • Ganacsatada damacsan inay kiraysato oo ay maamusho haamaha ayaa iyaguna sameeyay gef maadama ay doonayaa inay kiraysataan inay xukuumada ka dalbadaan inay sifo sharci ah uga kirayso waxayse xaalkooga ka dhigeen uun “hunguri wad ma arko” maadaama ay wararku tibaaxayaan in lacago culus ay ku maalgashadeen waxay ganacsadu damaceen in lacagtoodii si ay u helaan meesha uun gacanta ku dhigaan balse may qiimayn duruufaha iyo xaalka dambe. Waxa kale oo intaa u dheer inay kala horarsi iyo hirdan ka dhex bilaabmay ganacsada dhexdeeda oo qaybta hawsha wadata mooyaane qaybo kale loolan kale kula jiraan.
  • Golaha wakiilada oo ah haayada qaranka u qaabilsan ku ilaalinta shuruucda iyo xeerarka waaxda fulinta iyaguna ilduufay awoodihoogii dastuuriga ahaa waxaanay dadka qaar sabab ugu dhigayaan, in ganacsada xukuumadu damacsan tahay inay haamaha ku wareejiso mooyaane ganacsato kale ay golaha soo dhex marayaan si aanay kuwaas hawshoodu u hirgalin . haddaba golaha wakiiladu waxay ka dagdageen qodobka 53aad ee dastuurka farqadihiisa 3,4,6 iyo 7 aad halka ay dooda u cuskadeen uun farqada 3 aad taas oo aanay cuskashadeeda sixin maadaama oo aan waxba loo soo gudbin wali .Halka aanay farqadaha kale aan tilmaanay aanay ahmiyad siinin siiba farqada afraad oo tilmaamaysa inay u gudbiyaan tallo iyo tilmaan

QODOBKA 53AAD
AWOODDA IYO WAAJIBAADKA
GOLAHA WAKIILADA

  1. Golaha Wakiiladu waxa uu ansixinayaa heshiisyada dawliga ah ee ay ka mid yihiin kuwa siyaasadeed, dhaqaale iyo nabadgelyo ama kuwa keenaya culays maaliyadeed oo cusub oo aan ku soo aroorin miisaaniyadda, ama keenaya soo ¬saarid ama wax-ka beddelid qaanuun.
  2. Golaha Wakiiladu waxa uu u gudbinaya Golaha Xukuumadda tallooyin iyo tilmaamo ku saabsan siyaasadda guud ee hogaaminta.
    .
    6. Golaha Wakiiladu waxa uu awood u leeyahay inuu u yeedho Xukuumadda ama hay’adaheeda iyo wakaaladaheeda, si uu wax uga waydiiyo gudashada xilkooda.
    7. Guddiyada Golaha Wakiiladu waxay awood u leeyihiin in ay Wasiirka ama madaxda hay’adaha Dawladda ama madaxda sare ee kale ee Qaranka ee hawshoodu khusayso, in ay wax ka waydiiyaan gudashada xilkooda.

Gabagabadii markaad eegto doodaha iyo muuqaalada ku gadaaman arrintan haamaha shiidalka waxa kuu soo baxay inay ku hadoodilan yihiin is tabcayn ku salaysan dano gaar-gaar ah oo aan meelnaba ka soo galin dan bulsho iyo mid qaran. Sababtuna waxay tahay xukuumadu waxay arrinkan ka dhigtay mid iska xaal mastuur ah oo aan masiiri ahayn waxaanay ka booday dhawrkan arrimood.

  • Heshiiskii ay ku kiraysanaysay
  • Sababta ay u kiraysnayso
  • Waxa ka reeban kiraystayaasha,
  • Shuruudihii looga baahnaa kiraystayaasha
  • Inay furto tartankii kiraysiga
  • Inay u gudbiso heshiiska golaha wakiilada si ay waajibaadkooga ugu gutaan.

Dhinaca kale waxa iyaguna khaladka qaybtooda galay ganacsatada hawshaas ku jirta waxaanay iska indha tireen sifihii sharciga ahaa ee xoolahooga iyo ganacsigooga ku meel marin lahaayeen waxaanay taasi ku tusaysaa uun indhahoogu qabtay uun dakhli.

Geesta kale waxa iyaguna fudayd iyo dagdag arrinka u galay golaha wakiilada taasina waxay wiiqaysaa kartidooda iyo awoodooda sharci waxaanay ahayd inay maraan sifaha dastuurku siinayo iyagoo xukuumada ay cadaadis ku saaraya sababta ay ula dhuumatay muwaadiniinta waajibkii ka saarnaa, waxaase meesha ka muuqda sida ay tibaaxu sheegayaan in iyaga laftigoogii waa golaha wakiiladee ganacsato kale arrimahooga ku leedahay faro galin.

Qalinkii: Liibaan Ismaaciil Cabdilaahi
Email: Liibaanhanad79@mail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here