Maydka Ilmo Yar Oo Laga Helay Gaadhigii Ay Hooyadii Ku Waday

0

Gabadh yar oo da’deeda lagu qiyaasay laba sano jir ayaa maydkeeda loogu tagay gaadhigii ay hooyadeed ku waday, ka dib markii ay ku sii xidhay isla markaana ay u muraad tagtay meherad wax yar u jirtay.image

falkan ayaa ka dhacay Mississippi, haweenaydan ayaa muddo markii ay ka maqnayd ilmaheeda yar iyo gaadhigii ay wadatay dib ugu soo laabtay, xasuusatayna in ay wadatay ilmo yar.

hadiiba ay soo gaadhay goobtii isla markaana ay furtay gaadhigii waxa ay aragtay ilmaheedii yaraa oo goor hore dhintay, waxaanay ku noqotay af kala qaad,.

ciidamada booliska ayaa goobta soo gaadhay, waxaanay baadhayaan sababta keentay dhimashada ilmahaasi yar, ciidamada booliskuna ma sheegin magaca intaas yar ee dhimatay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here