Maxay Ku Kala Duwan Yihiin TPLF Iyo TDF?

0
Late time edition iyo Ethiopia.
Asaxaab badan baa isoo waydiisaa faraqa u dhexeeya tplf iyo TDF. Jawaabtu waxay noqonaysaa in chronological order loogu noqdo wixii tigree ka dhacay.
Tplf jabhadahii tigree ee 30 la sano Ethiopia haysatey ,ee 8 bilood ka hor Abiy afka dhulka ugu dhuftey ee maqale uu ka qabsadey weeyi.
Kadib markey buuraha galeen, waxaa lagu dabo faylay Arbaha strategy yada dagaalada ugu sareeya kasoo baxay kana mida general lada Africa kuwa ugu khibrada badan. Waa kuma kaas?

Waa ninka 2 diisa sawir hoosta idiinka muuqdaan ee general Tsadkan.
Muxuu sameeyey ninkan wuxuu isku keenay hadhaagii tplf, hadhaagii northern command oo kala badh tigree ahaa, iyo ciidamo wixii tigree ahaa ee soo goostey. Dabadeed intaa intuu isu duba ritey buu magaca Tigree Defense Force- TDF u saaray kuna ladhay tobabaro dhalinta la siiyo.
Ninkani waa general kii dagaalkii Ethiopia iyo Eritrea. Kadibna markii Melez ka joojay inuu Eritrea qabsado, Laguna gacan saydhay qorshe waluu our rabay inuu Afewerke kaga takhaluso, oo uu mar walba arkayey inuu ninkaa khatar ku yahay tigree, buu goaan sadey inuu retired noqdo oo tuuladii uu ku dhashay dib ugu noqdo.
Ninkan waa maskaxda dajisey in ciidanka Ethiopia saraakiisha aan tigree ahayn aanay yeelan aqoonta heerarka khatarta ah oo xisaab 4.5 oo kale ah uun hebalada loogu taxo darajooyin. Dalkana cida military academy kasoo baxda ee military ga dhabtaa u ahi inay tigree ahaadaan.
Midhahii goankaa guracnaa xiligaa waataa maanta uu midhaheeda guranayo ee saraakiisha qoomiyadaha kale ay iska yihiin dhabacyo si fudud loo babacsado.
TDF bari waxay kusoo wajahan yihiin saldhiga ay caawa degan yihiin liyu police ka somalidu. Aar yaa caawa guureeya yidhaa oo meesha isaga yimaada.
Abiy khamiista wuxuu tagayaa Asmara oo taxliil cusub buu kasoo cabayaa malcaaamada Afewerke. Ciidamada Eritrea na inay dib usoo weerar galaan oo dhabar jabin ku sameeyaan TDF ayey u badan tahay, si looga baajiyo inay marinka Addis dunida ku xidha looga baajo inay gaagaabku qabsadaan.
Oromo galabta waxay magaalada Nazareth ka rartay 100 bas oo kuwa dhaadheera, waxaana lagu soo xoojinaya furinta canfarta.
Caawa odeygaa wiil hooga ahi wuxuu iclaamiyey handaraab xaga wararka iyo sawirada ah labada todobaad ee bilaabmaya bari. Dhaqdhaqaaq yo waawayn baa dhacaaya cududo military oo la inaga qarsanaayo weeyi.
Xaaladu aad bay usii cakirmaysaa maalmahan soo socda, Hadaan dunidu soo kala dhex galina half million Ethiopian ahi inay ku qudhbixi doonan ayaa la saadaalinayaa wajigan afraad ee bari bilaabmaya.
Markaa yaynaan isa saluugin hadiiba wararka daaha dabadiisa ana layga handaraabo qaybta u badan gaagaabkaan kula dhuuqi jiraye.
Warangalbeed
Waayeelka waayaha geeska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here