Maxay Isu Casishay Dawladii Ruushku?

0
Russian flag. White blue red color Russia homeland national state symbol, independence symbol Realistic silk satin drape fabric wave material textile background. Vector moscow government official sign

Xukuumadda Ruushka ayaa gebi ahaanba iscasishay saacado un kadib markii madaxweyne Vladimir Putin uu soo jeediyay qorshe uu doonayo in wax lagaga badelo dastuurka, taas oo horseedi karta in uu xilka sii joogo mudo dheer.

Ra’iisul wasaaraha iscasilay ayaa sheegay in sababta ay isu casileen ay tahay sidii loo dardargelin lahaa qorshaha madaxweynaha, si Ruushka uu u yeesho waji cusub oo siyaasadeed.

Haddii wax ka badelka lagu sameynayo dastuurka oo loo qaadi doonaa afti dadweyne uu hirgalo, waxay horseedi doontaa in awoodda madaxweynaha ay ku wareegto baarlamaanka.

Madaxweyne Putin ayaa sida dastuurka uu dhigaya qorshuhu yahay in uu xilka ka dego sanadka 2024-ka, xilligaasi oo ay ku egtahay muddo xileedka afarta jeer ee uu tartamay, balse waxaa jira warar sheegaya in laga yaabo in uu markale doonayo in xil kale uu qabto, sababta dasturka uu u badelayana ay tahay sidaas.

.

Waxaa kale jira warar kale oo sheegaya in uu damacsan yahay in si dadban uu u maamulo Ruushka.

Madaxweyne Putin ayaa qorshaha cusub u gudbiyay baarlamaanka dalka Ruushka, xillii uu khudbad u jeedinayay labada aqal ee barlamaanka.

Ilo Dowladda Ruushka oo ay BBC-da la hadashay ayaa sheegay in gollaha wasiirada aanay ka warqabin iscasilaada ra’iisul wasaaraha uu damacsanaa kahor ku dhawaaqista qorshaha cusub. Mana

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here